KU SOO DHAWAAW WABSETKA QASAAYETO

WABSETKA QASAAYETO

Qaar ka mid ah ciyaartoyda horyaalada yurubla

kusoo dhawaaaw qeeybta siyaa siinta

Qeybta atoo rayaasha

Qeeybta atarii shoowyinka hindiga

Qeeybta kooxaha horyaalada yurub

BOGA BUUGAAGTA JECEYLKA TARIIQDA IYO DIINTA

Realblog

BOGA BUUGAAGTA JECEYLKA TARIIQDA IYO DIINTA
BURBURKII SOMALIYA&JACYLKA MA DHABAA MESE WAA DHALANTEED&DHUMISAYE JACEYLKA HA II DHOOLO CADEYN

 

BURBURKII SOOMAALIYA BUUK 

Qoraaga buugaan oo ah anigoo ah cabdulaahi cali cadaawe qasaayeto buugaan waxaa  gacan weyn iga siiyay walaalahey oo dhan sida ay u dhanyihiin yar iyo weyn iyo dhalinyarada schoolka usama bin zayid iyo waliba dhalinyarada fatxi printing center sida ay u dhanyihiin

46 sano ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii ay xuriyadda ay qaadatay Jamhuuriyada Soomaliya. Haddaba qoraalkaan waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu waaweynaa ee dhacay tan iyo xiligaa. Waxaa afeef ah in qoraalkaan aan loogu tala gelin in uu koobo dhamaan wixii ka dhacay Soomaliya. Sidaa daraaded, dhacdooyinka halkaan aan ku xusneyn ma aha macnaheedu in ayan muhiim aheyn in la xuso ama kuwa halkaan ku xusan in ay yihiin kuwa si gooni ah loo xushay. Balse maadama qoraalku yahay mid yar ayuunbaan lagu soo qaatay qeyb ka mid ah wixii dhacay. Sidoo kale qoraal loogu ma tala gelin in uu faahfaahin ka bixiyo sidii ay wax u dhaceen balse waxa uu koobayaa wixii dhacay iyo xiligii ay dhaceen.

1960

Qaramada Midoobay markii hore waxa ay u qoondeeysay Soomaliya in aay xuriyada qaadato 2dii Diseembar 1960kii laakin taa waa la soo hormariyay kadib markii dowladii Daaqiliyada codsi sameysay 1959kii. Taariqda cusub waxaa laga dhigay 1dii July 1960. 26kii Juunyo 1960kii waxaa xuriyad qaadatay Waqooyiga Soomaliya. Kowdii Juulaay 1960kii waxaa iyadana xuriyad qaadatay Koonfurta Soomaliya isla markaana waxaa midoobay Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaliya, halkaas ayayna ku abuurantay Jamhuuriyada Soomaliya. Bankigii Qaranka Soomaliyeed ayaa howlgalay kowdii Juulaay 60kii. Aadan Cabdule Cismaan waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee Soomaliya, isna waxa uu magacaabay Cabdirashid Cali Sharmarke in uu noqdo Wasiirka Koowaad.

1961

Waxaa la ansixiyay dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaliyeed kadib markii cod loo qaaday. 20kii Juun 1961dii, dastuurkii cusbaa ee la dhigay waxaa ‘Haa’ u codeeyay 1,756,216 qof halka 183,000 qof u coddeeyeen ‘Maya’. Aadan Cabdulle Cismaan ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee la doorto. Inqilaab dhicisoobay oo raga hogaaminayay uu ka mid ahaa Xassan Kayd ayaa ka dhacay Waqooyiga Soomaliya. 31dii Juulaay 1961dii, lacag la oran jiray ‘East African Shillings’ oo laga isticmaali jiray Waqooyiga Soomaliya ka hor inta aan la midooban ayaa noqotay mid la joojiyay isticmaalkeeda, waxaan si ku meelgaar ah loo sii isticmaalay midii koonfureed ‘Somalo’. Isla sanadkaa waxaa la asaasay Ciidamada Cirka Soomaliyeed.

1962

5tii Maarso 1962dii, waxaa uu soo saaray Madaxweynihii xiligaa wareegto lagu sameynayo lacag cusub oo la yiraahdo ‘Somali Shilling’. Dhaqdhaqaaq badan oo siyaadeed ayaa Soomaliya ka socday kasoo la doonayay in Northern Frontier District oo hadda ka tirsan Kenya (NFD) lagu soo daro Soomaliya. Isla sanadkaa Soomaliya waxa ay heshiis xaga ciidamada ah la gashay wadankii loo yaqaanay Midowga Soofiyeed. Gudi loo magaacabay in ay kasoo tala bixiyaan af-Soomaliga ayaa ku talo bixiyay in farta Soomaliga laga dhigo mid loo qoro sida farta Laatinka ah.

1963

Soomaliya ayaa xiriirkii siyaasadeed ka goosatay Ingiriiska aarimo la xariiro NFD daraadeed. Qafaal askareed ayaa markii ugu horeysay Soomaliya laga hirgeliyay. Waxaa la abuuray Laanqeyrta Cas ee Soomaliyeed. Waxaa kacdoon lagu doonayo Soomali weyn ka bilowday dhulka Soomali Galbeed. Lacagtii ‘Somalo’ waxa ay istaagtay isticmaalkeeda 31dii Diseembar 1963dii. Wasiirkii Koowaad ee Soomaliya ayaa booqasho lagu adkeeynayo xiriirka Shiinaha iyo Soomaliya ku tegay Shiinaha.

1964

Bilowgii 1964tii waxaa qarxay dagaal dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya. Cabdirisaaq Xaji Xuseen ayaa noqday Wasiirkii Kowaad. Madaxweynihii Kenya, Jomo Kenyatta iyo Boqorkii Itoobiya, Haile Selassie, waxay sameysteen heshiis lagu xakameynayo doonista Soomaliya ay doonaysay in ay soo ceshato dhulkeeda ka maqan.

1965

Wadankii Midowga Soofiyeet waxa uu ka caawiyay Soomaliya asaasida Ciidanka Badda. Jeneraal Daa’uud ayaa ku geeriyooday magaalada Mooska. Xiriirka Shiinaha iyo Soomaliya waxaa uu sii xoogeysta gaar ahaan xaga caafimaadka markii Aadan Abdulle Cisman booqasho ku tegay Shiinaha.

1966

Waxaa uu Shiinaha dhisay Masraxii Qaranka (National Theatre).

1967

10kii Juun 1967dii Aadan Cabdule Cismaan waxaa u dhamaatay xiligi madaxweynaha uu ahaa. Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa noqday Madaxweynihii Soomaliya halka Maxamed Ibrahim Cigaal ka noqday Wasiirka Koowaad.

1968

Dowladii Cigaal waxay isku dayday in ay wanaajiso xiriirkii ka dhaxeyay Soomaliya iyo Itoobiya. Waxay Siteembar 1968kii Soomaliya waxa ay la gashay heshiis xaga duulimaadyada ganacsiga iyo isgaarsiinta dowladda Itoobiya. Si xiriirka loo hormariyo, Itoobiya waxa ay qaaday xanibadii saarneyd xuduudka labada wadan.

1969

Waxaa 15kii Oktoobar 1969kii la dilay Madaxweynihii Soomaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke. Cigaal oo markaa ahaa Wasiirka Kowaad waxa uu booqasho ku joogay wadanka Maraykanka. 21kii Oktoobar 1969kii, waxaa xukunkii la wareegay Ciidamada Qalabkasida ayada oo uu horkacayo Maxamed Siyaas Barre. Waxaa la xeray xubno badan oo ka tirsanaa dowladihii rayidka ahaa. Midowga Soofiyeet waxaa uu dayactir iyo balaarin ku sameeyay dekada Berbera.

1970

Waxaa la furay Jaamacadii Umadda. Feberaayo 1970kii, xukunkii Meletariga waxa uu laalay dastuurkii la dejiyay 1960kii. Waxaa la asaasay Hay’adii Nabadsugida (NSS). Abriil 1970kii, waxaa la xeray Sareey Gaas Jamac Cali Khoorsheel oo ahaa markaa Madexweyn ku xigeen ayada oo lagu eedayay qayaano qaran.

1971

Maajo 1970kii, xubno ka tirsan ciidamadii inqilaabka sameeyay sida Maxamed Caynaanshe iyo Salaad Gabeyre ayaa la xeray ayada oo lagu eedayay in ay inqilaab kale wadeen. Waxaa la soo nooleeyay Gudigii Luqada Soomaliga kuwaas oo lagu amray in ay diyaariyaan barnaamij waxbarasho oo ku qoran af-Soomali.

1972

Agoosto 1972dii waxaa la asaasay Ciidaankii Guulwadayaasha. Sanad guuradii sadexaad ee kacaanka waxaa lagu dhawaaqay in farta Soomaliga ay noqondoonda farta rasmiga ah ee dalka uu leeyahay marka laga bilaabo 1dii Janaaayo 1973dii. Waxaa la qarameeyay hay’ado badan sida bangiyada iyo caymisyada. Waxaa la bilaabay asaasitaankii iskaashatooyinka.

1973

Maamulkii Ciidamada waxaa ay soo saaren sharci madani ah waxayna laaleen sharciyadii ka horeyay, waxayna xadideen maxkamadihii ku dhisnaa sharciga Islaamka. Sidoo kale waxay meesha ka saareen bixinta diyada. Shaqaalaha dowladda waxaa lagu qasbay in ay qataan tabar soconayay seddex bilood oo ay ku baranayaan luqada Soomaliga.

1974

Agoosto 1974tii waxaa bilaawday ololaha barashada af-Soomaliga. Soomaliya waxa ay ku biirtay Jaamacada Carabta. Waxaa bilowday abarihii dabadheer.

1975

Maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxa uu xabsiga ka soo daayey Cabdullahi Yusuf. 11kii Janaayo 1975tii, maamulkii Siyaad Bare waxaa uu soo saaray sharci simaya dumarka iyo raga. Isla sanadkaa waxaa la dilay 10 wadaado ah oo ka horyimid sharcigaas. Dad badan oo ay aafeeyeen abarihii dabadheer ayaa la dejiyay Dajuuma, Sablaale, Kuntur-wareey iyo meelo kale.

1976

Waxaa la asaasay Xisbigii Hantiwaada Kacaanka Soomaliyeed.

1977

Lufthansa flight 181 ayaa lagu soo afduubay magaalada Muqdisho 17kii Oktoobar 1977dii. Waxaa bilowday dagaalkii u dhaxeyay Itoobiya iyo Soomaliya kaas oo sababay in uu xumaado xiriirkii Midowga Soofiyeet iyo Soomaliya. 13 Novembar 1977 waxay Soomaliya ka saartay wadankeeda in ku dhow 6000 qof oo u kala dhashay Midowga Soofiyeet, Kuuba iyo wadamo kale.

1978

9kii Maarso 1978dii, Maxamed Siyaad waxa uu amray ciidamada in ay ka soo baxaan dhulka Soomali Galbeed. 8dii Abriil 1978dii, waxaa fashilmay inqilaab la rabay in kursiga looga rido maamulkii Siyaad Barre, inqilaabka ragii waday waxaa ka mid ah Ciro iyo Cabdullahi Yusuf.

1979

25tii Agoosto 1979kii waxaa cod loo qaaday dastuurkii maamulka meletariga ay sameeyeen. Waxaa codka ‘Haa’ siiyay 3,597,592 halka ‘Maya’ ay yiraahdeen 7898. Diseembar 1979 waxaa dhacay doorashadii Golaha Shacabka. Intii u dhaxeysay Maajo and Juun 1979kii, ciidamadii Koofiya Casta waxa ay xasuuq ka sameeyeen degaanada ku wareegsan Kaalkacyo. Jabhad la yiraahdo Somali Salvation Democratic Front (SSDF) aya la aasaasay.

1980

Dowladii Soomaliya waxa ay xiriir siyaasadeed ka goosatay Liibiya ayada oo ku eedeynaysa taageero ay siisay ururada mucaaradka. Isla sanadka dowladda Soomalieed waxa ay heshiis la gashay dowladda Maraykanka ayada oo u ogolaatay dowladda Maraykanka in ay isticmaasho dekedaha Soomaliya.

1981

6dii Abriil 1981kii, waxaa magaalada London lagu asaasay ururkii SNM. Daniel arap Moi waxa uu magaalada Nairobi kula kulmay Maxamed Siyaad isaga oo doonayo in uu ka dhaadhiciyo in ay Soomaliya joojiso sheegashada dhulka NFD.

1982

Waxaa xabsiga laga soo daayay Maxamed Abshir Muse iyo Maxamed Ibrahim Cigaal oo xernaa tan iyo 1969kii. 7dii Juun 1982dii waxaa la xeray Ismaacil Cali Abukar, Cumar Carte Qaalib, Cumar Xaaji Masale, Cismaan Maxamed Jeele iyo Maxamed Aadan Sheekh. Bartamihii Juulaay waxaa magaalooyinka Balambale iyo Goldogob qabsadey ciidamo mucaarad ku ahaa maamulkii markaa jiray iyaga oo taagero ka helayay ciidamada Itoobiya.

1983

Waxaa la furay telefishinkii ugu horeeyay ee Soomaliyee. 18kii Maarso 1983dii waxaa la joojiyay isticmaalka iyo kaganacsiga qaadka. Juun 1983dii dowladda Sacuudiga waxa ay joojisay xoolihii ay ka qaadan jirtay Soomaliya ayada oo ku eedeynayso xoolaha Soomaliya in ay leeyihiin qatar xaga arimaha caafimaadka la xariirta.

1984

Nofeembar 1984tii, waxaa la afduubay diyaarad ay laheyd Somali Airline. Diseembar 1984tii waxaa Soomaliya booqasha qarsoodi ah ku yimid Roelof "Pik" Botha oo ahaa Wasiirka Arimaha Dibada ee South Africa, halkaasna labada wadan waxay ku galeen heshiis kaas oo wadada u xaarta in ciidamo ajnabi ay ka qeyb qaateen xasuuqii ka dhacay Waqooyi Galbeed Soomaliya. Diseembar 1984tii waxaa wax laga badalay dastuurkii wadanka ayada oo loo kordhiyay xiliga madaxweynaha hayn karo xafiiska taas oo markii hore aheyd lix sano lagana dhigay todobo sano.

1985

Waxaa isku dhacay maamulkii Itoobiya iyo Abdullahi Yusuf, kadibna Abdullahi waxaa la dhigay xabsiga. Soomaliya waxa ay Maraykanka kala qeyb qaadatay dhoola tus xaga ciidamaha ah oo la oran jiray “Operation Bright Star”. Liibiya iyo Soomaliya waxa ay soo nooleeyen xiriirkii siyaasadeed.

1986

Bishii Janaaayo 1986dii, waxaa wadanka Jabuuti ku kulmay Siyaad Baare iyo Mengistu iyaga oo ku heshiiyay in la joojiyo colaada labada wadan u dhaxeysa. 23dii Maajo 1986dii, Madaxweynihii Soomaliya waxaa uu galay shil gaari. Midowga Soofiyeed iyo Soomaliya waxa ay dib u soo ceshteen xiriirkii xaga siyaasada. Xiriirkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo Ingiriiska ayaa xumaaday Seteembar 1986ki kadib markii uu Cabdiraxmaan Jaamac Bare oo ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda ku eedeyay BBC in ay fidinayso dacaayad dhan ka ah Soomaliya. Sidoo kale maamulka Soomaliya waxay isku dhaceen Amnesty International iyo African Watch. Siteembar 1986dii waxaa la furay xaraashkii sarifka lacagaha qalaad. 23dii Diseembar 1986dii waxaa Soomaliya lagu qabtay doorasho taas oo uu Maxamed Siyaad ahaa masharax kaligiis taagan, waxa uuna helay 99.9% codadka.

1987

Maxamed Cali Samatar ayaa loo magacaabay Wasiirka Kowaad. Dowladda waxa ay bilowday in ay dhaqan geliso talooyinkii badan oo ay soo jeedisay hay’ada International Monetary Fund (IMF) waxaana aad u dhacay qiimaha shilinka isla markaana waxaa kacay qiimaha maciishada. Talooyinka ay dowladda fulisay waxaa ka mid ah in la dhimo shaqaalaha dowladda. Cabdi Bile Cabdi ayaa qaaday bilada dahabka aduunka ee xaga orodada 1500m.

1988

19kii Maarso 1988dii, waxaa heshiis nabadeed wada galay Maxamed Siyaad iyo Mengistu. Ciidamadii SNM waxay bishii Maajo 1988dii weerar ku qaadeen magalooyinka Burco iyo Hargeysa. Bishii Juun cidamadii dowladda waxa ay bilaabeen in ay diyuurado ku garacaan qeybo ka tirsan Waqooyi Galbeed Soomaliya. Sidoo kale inta u dhaxeysay Maajo ilaa Diseembar 1988dii waxaa xasuuq loo geystay dadkii degenaa meelaha ay soo gashay SNM.

1989

Janaayo 1989kii waxaa magaalada Rome lagu asaasay “United Somali Congress” (USC). Bishii Maarso 1990kii waxaa Maxamed Siyaad ku eedeyay Itoobiya in ay ka baxday heshiiski ay kala saxiixdeen 1988dii welina ay caawinayso mucaaradkiisa. 9kii Juulaay 1989kii, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Salvatore Colombo oo ahaa nin ka tirsan Roman Catholic. 14kii Juulaay, ciidamadii Koofiya Casta waxa ay magaalada Muqdisho ku laayeen dad banaan oo banaan baxayay. 15kii Juulaay, waxaa xeebta Jasiira lagu laayay in ka badan 40 qof oo ka soo jeeda Gobalada Waqooyi. Madaxweynihii Maraykanka, George Bush, waxaa uu macaawinadii xaga ciidamada ka joojiya Soomaliya. Maajo 1989kii, Soomaliya waxa ay heshiis la gashay shirkad ka socotay Romaniya taas oo sameyn laheyd xarun lagu sifeeye shidaalka oo maalintii soo saari karta 200,000 fuusto laakin dhacdooyinkii Romaniya iyo Soomaliya ayaa burburiyey heshiiskaa.

1990

Tirada dadka Soomalida waxaa lagu qiyaasay 8.5 million oo qof. Bishii Maajo, dad ka kooban 114 indheer garad loona yaqanay “Sulax” ama “Manifesto Group” waxay warqad talo bixin ah u qoreen Madaxweynihii Soomaliya. 6dii Juulaay 1990kii waxaa garoonka Istaadiyam Muqdisho ay ciidamada ilaalada Madexweynaha ku laayeen dad ka badan 60 qof. Agoosto 1990kii waxaa heshiis looga soo horjeedo maamulkii Maxamed Siyaad wada galay SNM, USC iyo SPM. Dowladda Maraykanka waxa ay sheegtay in dowladda Soomaliya ay ku guuldaraysatay in ay bixiso daymo lagu lahaa sidaa daraadeed ayan istaahilin in ay hesho macaawino ka timaado dhanka Maraykanka. Maxamed Xawaadle Madar ayaa loo magacaabay Wasiirka Kowaad. Markii uu Sadam Xuseen qabsaday Kuwait, Soomaliya waxay ka mid noqotay wadamadii ka soo horjeedsaday arintaa, taa Soomaliya waxa ay u keentay in dhaqaale badan sida Qadar oo ka cafisay dayn ay ku laheyd Soomaliya. Sacuudiga oo siiyay Soomaliya lacag dhan $70 milyan, sidoo kalana u balan qaaday Soomaliya in shidaalka looga gadi doono sicir hooseeya. Manifesto Group waxa ay soo jeediyeen in Seteembar 1990kii lagu qabto Masar wadahadali dhex mara Siyaad Bare iyo mucaaaradka, laakin labada dhinacba kama soo qayb galin martiqaadkaa. 30 Diseember waxaa bilowday kacdoonkii Muqdisha kaas oo looga soo horjeeday Siyaad Bare.

1991

26kii Janaayo 1991dii, Maxamed Siyaad Barre waxa laga tuuray xukunkii. Jabuuti waxay qabatay shirar dib loogu heshiisiinayo Soomalida. Shir lagu qabtay Jabuuti Juulaay 1991kii, waxaa madaxweynaha ku meelgaar ah loo magacaabay Cali Mahdi Maxamed. Cumar Carta Khaalib ayaa noqday Wasiirka Kowaad. Shir lagu qabtay, waxaa Sareeyo Guuto Maxamed Faarax loo doortay in uu noqdo gudoomiyada ururka USC, Caydiid. Shir kale oo lagu qabtay magaalada Boorame waxaa ka soo baxay 18kii Maajo 1991, gooni isu taaga Somaliland. Cabdirahmaan Tuur waxa uu noqday hogaamiyaha Soomaliland. Waxaa dhacay maamulkii Mingiste, waxaana xabsiga ka soo baxay Cabdullahi Yusuf. Waxaa Muqdisho ka bilowday dagaalkii loo yaqaan “4-bilood” oo u dhaxeeyay Caydiid iyo Cali Mahadi, dagaalkaas oo ay dad badan ku dhinteen.

1992

Waxaa Soomaliya ka dhacay abaarihii ugu xumaa inta tariiqda la xasuusan yahay. Qaramada Midoobay waxa ay isku dayday in xabad joojin ka dhex dhaliso Caydiid iyo Cali Mahdi. 11kii Diseembar 1992dii waxaa is gacan qaaday Caydiid iyo Cali Mahdi. Waxa cunaqabateyn xaga hubka ah la saaray Soomaliya. Sido kale waxaa la abuuray “United Nations Operation” in Somalia, ama UNOSOM taas oo howl gashay Abriil 1992dii. 9kii Diseembar 1992dii waxaa xeebaha Soomaliya ka soo degey ciidamo Maraykanka uu horkacayo si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinkii ka jiray Soomaliya. 31dii Diseembar 1992dii, Madaxweynaha Maraykanka George Bush ayaa booqday Soomaliya.

1993

Janaayo, Maarso iyo Diseembar 1993dii waxaa wadanka Itoobiya lagu qabtay shirar dib u heshiisiineed kuwaas oo ay ka soo qayb galeen jabhada kala duwan ee ka jiray Soomaliya. 5tii Juun 1993dii waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay 23 askari oo ka socday wadanka Bakistaan. Dilkaa waxaa lagu eedeeyay in uu Caydiid ka danbeeyay, kadibna waxaa la go’aan saday in la xero Caydiid. 12kii Juulaay 1993dii waxay ciidamadii Maraykanka weerareen guri ay filayeen in uu ku jiro Caydiid halkaas oo ay ku dileen dad ka badan 50 qof. 3dii Oktoobar 1993dii, Waxaa Muqadisho lagu riday diyaarado Maraykanka uu leeyahay halkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomali ah iyo 18 Maraykan ah. Ambassador Oakley ayaa loo soo magacaabay in uu noqdo wakiilka qaaska ah ee Maraykanka, waxaana ciidamada Maraykanka lagu amray in ugu danbeen ka soo baxaan Soomaliya 31dii Maarso 1994. Michael Durant oo ka mid ahaa ciidamada Maraykanka lana qafaashay ayaa la sii daayay. Maxamed Ibrahim Cigaal waxa uu noqday madaxweynihii Soomaliland.

1994

Ciidamada Maraykanka waxay intooda badan ka baxeen wadanka Soomaliya ka hor 25tii Maarso 1994tii. 24tii Maarso 1994tii, Caydiid iyo Cali Mahdi waxay Nairobi ku saxiixeen heshiis ay ku balanqaadayaan in dagaal lagu xalin wixii farqi siyaasadeed ah isla markaana ay dhowraan heshiiskii xabad joojin ah oo ay horay u saxiixeen. 26kii ilaa 27dii Oktoobar waxaa Soomaliya booqday gudi uu horkacayo Colin Keating oo u dhashay Newzleand ayaga oo katala bixinayay xiligaa ugu haboon ee ciidamada Qaramad Midoobay ka bixi karaan Soomaliya.

1995

2sii Janaayo 1995kii waxaa magaalada Lagos, dalka Nigeria ku geeriyooday Maxamed Siyad Bare. 3dii Maarso 1995tii, howlgalkii ay ka waday Qaramada Midoobay ee loogu magacdaray “Operation United Shield” ayaa la soo af jaray. 15kii Juun 1995tii Maxamed Faarah Caydiid waxa uu isu magacaabay Madaxweynaha Soomaliya. 17kii Siteember 1995, ciidamo daacad u ah Caydiid ayaa qabsaday gobalka Bay. Oktoobar 1995kii waxaa la asaasay Rahamweyn Resistance Army (RRA) waxaana hogaamiye u noqday Gashaanle Sare Xassan Maxamed Nurr, "Shaargaduud".

1996

9kii Maarso 1996 waxaa magalaada Muqdisho lagu dilay Elman Cali Ahmed. 2dii Ogoosto waxaa la duugay Jeneraal Maxamed Faarah Aideed kadib markii uu ugeeriyooday dhaawac xabadeed oo soo gaaray darteed. Qaar ka tirsan hogaamiyayaasha Soomaliya waxay heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen Itoobiya kaas oo loo yaqaano “Heshiiskii Sooderi”. Sidoo kale waxaa la dhisay Gudiga Badbaadada Qaranka.

1997

Juulaay 1997dii, waxaa isku dhacay ciidamo ka kale socday Cali Mahdi iyo ciidamo ka socday Maxkamada Islaamka. Novembar 1997 waxaa shir kale oo dib heshiiseynd lagu qabtay Qaahira kaas oo loo yaqaano “Baaqii Qaahiro”. Soomaliya waxaa ka dhacay daadad aad u weyn kuwaas oo guri la’aan ku riday dad gaaray 800,000.

1998

Puntaland ayaa sameysatay dowlad goboleed. 26kii Maarso 1998dii, doon wada dad qaxooti Soomaliyeed oo gaaray 180 ayaa ku degtay xeebaha Yeman. 23dii Juulaay 1998dii, waxaa noqday Madaxweynahay Puntaland Gaashaanle sare Cabdullahi Yusuf. Cigaal waxaa mar kale loo gartay in uu sii haayo hogaanka Soomaliland. Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid ayaa isku dayay in ay maamul u sameeyaan magaalada Muqdisho.

1999

Gobolka Bay iyo nawaxiigiis ayaa noqday meel ay ku hartamaan ciidamadii daacada u ah Xuseen Caydiid iyo Rahenweyn Resistance Army (RRA). 6dii Juun 1999kii ciidamadii RRA waxa ay ku guuleysteen in ay Baydhabo ka qabsadaan ciidamadii Xuseen Caydiid. Sanadkaan waxa kale oo uu ahaa sanad ay afduubyo badan ka dhaceen magalaada Muqdisho ku waas oo isugu jira kuwa dhaqaale lagu doonayay iyo kuwa arimo siyaasadeed ka danbeeyaan. 28kii Juun, ciidamada Itoobiya waxa ay qabsadeen gobalka Garbahaarey iyaga oo sheegtay in ay baacsanayaan cidaamo Al-itixaad ah.

2000

Maajo 2000 waxaa magaalada Carta ka bilowdey dibheshiisintii 13-aad ee loo qabto Soomalida. Juulaay waxaa la ansaxiyay axdiqarameed ku meel gaar ah. 26kii Agoosto 2000, Abdiqasim Salad Xassan ayaa lagu doortay Carta in uu noqdo Madaxweynaha Soomaliya. Oktoobar 2000, Cali Khalif Galeyd ayaa loo magacaabay Wasiirkii Koowaad ee dowladda Carta. 20 Oktoobar, Galeydh waxaa uu magacaabay golohiisi wasiirada. Dhowr ka mid ah ka qeyb galayaashii shirkii Carta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sida bishii Oktoobar 2000 waxaa la dilay Jeneraal Yusuf Tallan. 12kii Novembar 2000 sidoo kale waxaa la dilay Xasan Jaalle oo ahaa Xubin Baarlamaan. Maamulada Somaliland iyo Puntland waxa ay xereen dad badan oo ku soo laabtay maamulakood ka dib markii ay ka qayb galaan shirkii Carta.

2001

Janaayo 2001dii, Cali Khalif waxa uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay faragelinayso arimaha Soomaliya. Feberaayo 2001dii, waxaa dowladii Galaydh ku soo biiray Maxamed Khanyare. Dowladda Galaydh ayaa la wareegaytay 60 bilyan oo shilling Soomali ah oo ka mid ah lacagihii ay soo daabacdeen ganacsato Soomaliyeed. Xubnihii kasoo horjeeday dowladda Carta ayaga oo kaalmo ka helayo dowladda Itoobiya ayaa Maarso 2001dii waxay ay sameeyteen “Somali Reconciliation and Restoration Council (SRRC)”. Bishii Maajo, ciidamo ka amar qaata Muuse Suudi ayaa afduubay dad shaqaale u ah Taqaatirkta aan Xadka laheyn (Medicins sans Frontieres). 1dii Juulaay 2001dii, waxaa ku ekaa xiligii loogu talagalay Cabdullahi Yusuf in uu ahaado Madaxweynihii Puntaland, balse waa uu sii sheegan jiray xilkaas tan iyo Maajo 2002 taas uu xukunka mar kale gacantiis ku soo noqday kadib markii uu u xoog sheegtay Jamac Cali Jaamac. Novembar 2001dii waxaa loo doortay Jamac Cali Jamac in uu noqdo hogaamiyaha Puntland balse Cabdulahi Yusuf marna ma ogaaln maamulkaas. 28dii Oktoobar, waxaa dhacday dowladii Cali Khalif kadib markii ay wayday cod kalsooni ah oo loo qaaday. 12dii Novembar 2001dii, waxaa Wasiirka Kowaad ee Soomaliya noqday Xasan Abshir Faarax.

2002

3dii Maajo 2002, Maxamed Ibrahim Cigaal waxaa ku geeriyooday Southafrica. Waxaa madaxweyna ku meelgaar Soomaliland sii noqday Daahir Riyaale Kaahin. Waxaa magaalada Eldoret ee dalka Kenya ka bilowday dib u heshiseeneed 14-aad kasoo ay wadamada la isku yiraahdo IGAD soo qaban qaabiyeen. 27dii Oktoobar, hoogamiyayaal Soomaliyeed waxa ay heshiis nabadeed ku saxiixeen shir ka soconayay wadanka Kenya.

2003

14kii Abriil 2001dii, Daahir Riyaale waxaa uu ku guuleystay doorashadii madaxweynanimada Soomaliland. Jeneraal Cade Muse ayaa weerar ku qaaday maamulkii Puntland isaga oo kaalmo ka helayo Somaliland. Shirkii ka socday Eldoret waxaa loo raray Mbagathi oo iyadana ku taala isla wadanka Kenya. Maajo 2003dii waxaa xilkii madaxweynanimada Puntland si ku meelgaar ah loogu wareejiyay Mohammed Abdi Hashi.

2004

Siteembar 2004tii, waxaa magaalada Mbagathi lagu saxiixay Axdi qarameed ku meel gaar ah. 14kii Oktoobar 2004kii, Cabdullahi Yusuf waxaa uu noqday Madaxweynaha Soomaliya. Novembar 2004kii waxaa Wasiirka Koowaad ee Soomaliya loo magacaabay Cali Geedi Maxamed. Dowlad ayuu dhisay Gedi taas oo la dhaariyay 6dii Diseembar, laakin waxaa dowladdaas la riday 11kii Diseembar. 26kii Diseembar 2004tii, Soomaliya waxa ay ka mid noqotay wadamo badan oo ay gaartay afadii Tsunami.

2005

Bishii Janaayo Geedi waxaa uu dhisay dowladiisii 2-aad. Isla bishaas Cadde Muse ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland. 22kii Janaayo, qabuuro ay ku aasan yihiin dad Talyaani ah oo ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa la soo faagay. Bishii Feberaayo, hay’ada International Crises Group (ICG) waxa ay ka digtay in ciidamo deriska ah la geeyo Soomaliya. Isla bishaa, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegay in wadankiisa uu ka qeyb qaadanayo ciidama loo dirayo Soomaliya. 17kii Maarso 2005tii, shir uu ku lahaa Baarlamaanka Soomaliya waxaa gacan ka hadal dhexmaray xubnaha baarlamaanka kadib markii la isku fahmi waayay dood ku saabsaneyd keenista ciidamo shisheeye. 30kii Maajo ciidamo daacad u ah Shaatiguduud iyo Sheekh Adan Madoobe ayaa soo weeraray magaalada Baydhabo oo ay gacanta ku hayeen ciidamo daacad u ah Maxamed Ibrahim Xaabsade. 11kii Juulaay 2005tii, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Cabdiqaadir Yaxye oo ahaa madaxa “Center for Research & Dialogue (CRD)”. Isla bishaas Cabdulahi Yusuf waxaa uu xarun ka dhigtay magaalada Jowhar. Bishii Oktoobar dowladda Yemen wax ay qiratay in ay hubgeysay Soomaliya kadib markii warbixin loo gudbiyay Qaramada Midoobay ay sheegtay dhowr wadan oo jebiyay cunaqabteynta saaran Soomaliya.

2006

Waxaa meelxun gaaray abaaro ku dhuftay gobolo badan oo ka tirsan Soomaliya. 26kii Feberaayo waxaa magaalada baydhabo markii ugu horeysay ku kulmay xubnaha Baarlaamanka ee Dowlada ku Meelgaarka. Cabdullahi Yusuf ayaa ka guuray magaalada Jowhar ayada oo ay xarun ku meelgaar u aheyd dowladda ku meelgaar ah isaga oo u guuray magaalada Baydhabo. Maarso 2006dii waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday dagaal u dhaxeeyay qaar ka tirsan dagaal oogayaasha oo la magac baxay Isbahaysiga soo Celinta Nabada iyo la Dagaalanka Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamka. 22kii Maajo waxaa golaha Wasiirada ee Dowlada ku Meelgaar ah ansixiyeen in dalka la keeno ciidamo ajanabi ah. Bishii Juun 2006, waxa awood roonaaday Maxkamidihii Islaamka. 14kii Juunyo 2006, Baarlamaanka Soomaliya waxa uu ansixiyay in ciidamo shisheeye la keeno wadanka. 23kii Juun waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Martin Adler oo ahaa wariya u dhashay Sweden isaga oo sawiro ka qaadayay dad isugu soo baxay si ay u taageraan heshiis dhexmaray Dowlada ku Meelgaar ah iyo Maxkamadaha Islaamka

 

 

 

This is a good place to have a brief explanation about your site.

 

 CISHQIGU MA DHABAA MESE WAA DHALANTEED

 

Abaayo macaan ha u bixin mida tan, aniga waxaan calaf u yeeshay in aan ku jeclaado oo kaliya, laakiin uma yeelan jirkaagaan quruxda badan calaf, “macaan badnoow iska sabar ciil badnaa ina Adeerkeey aan cidleeyey calool xumo badanaa, wuxuu ku yiri abaayo waan kaa sii tagayaa ee by macaaneey, markuu ka soo tagay isa goo indhi hiisa ka baxaysso ilin farabadan oo aan aadi Karin meeshuu doono calashaan

   jaceyl ka ku qaraxsan qalbigiisa tii uu dunida ugu jeclaa uu dhalay Adeerkiis uu u adkeysan waayey, ereyada ay ku tiri ku na dhacay dhagihiisa, Muridi  oo aad moodid in uu rafaad san yahay in muddo ahna raashinkiisa uusan fiicneyn habeenkasta  ma jiifto jiif raaxo leh isa goo walbahaarsans ayuu yiri

Adduunyadu qaribanaa

Qalalaaso badanaa

Qaxar iyo dhibaato badanaa

Qasaaro badanaa

Qalbigayga markii hore qiima badanaa

Qaali badanaa waxaa la moodi jiray

Qorax ifisay a duunyadu

Qeybo badan

Qarni badan waxaan ka shaqeyn jiray

Qalbigayga ifidiisa

Qatartii soo wajahday

Qalbigayga ku yeelatay saameen balaaran

Qalbigay wuxuu iftiimin jiray xubnaha

Qaranka jirkayga

Qoraxdii arooryoo

Qaybisay falaaraha caashaqa

Qalbi jileec iyo ka baqida taan u

Qisoodee soo kuma weyn jeceylkayga

Qaaliga haa ee dadoowWaxaa aniga dardaaran ah

Qalbigaga ha ku qarin jeceylka ku

Qarsan kara adiga

Qalad yaan loo qabsan

Qaladaaydii aan jeclaaday

Qaladkaan waxaa dhigay qalbigayga

Qurux badnaa ma sidaan baa ii dambeeysay

 Anigoo ah qoraaga buuga waxaan halkaan uga Mahad celinayaa maamulka iyo Shaqaalaha Fatxi Bookshop & Printing Center.

-12-

 

HORDHAC

Waa maxay jaceyl?

Run ahaantii jaceylku ma ahan mid la macneyn karo, balse waxaa la isku raacsan yahay in uu yahay mid jira, waligiisna jiray, jiri doonana abid, jaceylkuna waa mid ay ka siman yihiin dhammaan noolaha oo dhan. Jaceylka waxaa ka hadlay abwaaniin badan kuna tilmaamay shey aan la qarin karin oo qofkii uu saaqo dhaxalsiin kara in ku guuleysto hadafkiisa iyo in uu ku baaba’o oo uu jab iyo hoog ka qaado.

Haddii aan wax ka xuso erayadooda, waxay yiraadeen: “Jaceylku waa macaan marna waa qaraar marba waa siduu kuu soo maro” oo ay ula jeedaan haddii jaceylka uu yahay mid lagula wado oo aan ku jirin laqdabo uu yahay mid macaan badan, marna uu yahay mid qaraar, wuxuu qaraar ku noqon karaa labo qof oo is jaceyl oo uu mid ka mid ah yahay laqdaboole, markaasna uu noqdo jaceylku mid qaraar. Haddaba, waxaan wax ka xusayaa jaceylka maanta ka jira dunida gaar ahaan midka dhex mara dhallinyarada Soomaaliyeed in uu leeyahay sifooyin lagu garto oo uu kaga duwan yahay jaceylkii waayihii hore, waxaana ka mid ah sifooyinkaan:

ü      Waan ku arkay waan ku caashaqay?

ü      Waan ku maqlay waan ku caashaqay?

ü      Waa la ikaa baray waan ku caashaqay?

ü      Waa la ikaa siiyay waan ku caashaqay?

Waxaan akhristow isku dayeynaa in aan si gooni gooni ah uga hadalno afarta qeybood ee aan kor ku soo xusay, iyadoo aan soo bandhigi doono mid kasta sida uu ku bilowdo, waana sidan:-

ü             Waan ku arkay waan ku caashaqay: waa marka uu arko qof qofka kale, isla markaana uu ku tala galo sidii uu qofkaas jaceyl ugu abuuri lahaa.

ü             Waan ku maqlay waan ku caashaqay: waa marka uu qofku ka barto taleefoon qof kale oo ay noqdaan lamaane, aakhirkiina uu noqdo jaceylkoodu mid lagu guuleysto oo miro dhal ah.

ü             Waa la ikaa baray waan ku caashaqay: waa marka lagu baro qof – rag ha ahaado ama dumar ha ahaado – markaasna

-1-

 ay isku noqdaan labo isku kalsoon oo aan la kala liicin Karin, jaceylkooduna uu noqdo mid miro dhal noqdo.

ü             Waa la ikaa siiyay waan ku caashaqay: Waa mid ka yimaado markiisa hore waalidka dhankiisa, waayo waxaa dhacda in waalidiintu ay isku qasbaan labo qofood oo aan is rabin oo ay ayagu maskaxdooda ka fikireen in hebel heblaayo oo ina hebel ah loo doono, aakhiritaankiina ay dhacdo in labada qofood ee la isku qasbay oo la isu doonay ayagoon waligood is arkin mid ka mid ah uu midka kale aad u jeclaado, waayo jaceylka waxaa ka keenaya isagoon u jeedin talaabo kale oo uu qaadi karo.

Waxaan buuggaan yar ugu talagalay in aan ku soo bandhigo hal mowduuc oo ka mid ah mowduucyada aan kor ku soo xusay, anigoo u arkay in mowduucani uu yahay ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed, una horseedi kara in ay fahmaan sida aan anigu u fahmay, waana qeybtii 1-aad, qeybaha dambe ee ka dambeeya Qeybtaan koowaad ayaana uga hadli doonaa qodobada afarta ah ee aan kor ku soo xusay.

Muriidi iyo Samiiro waxay ahaayeen walaalo aad isugu dhow, ahna ilmo adeero run ah. Muriidi wuxuu maalin maalmaha ka mid ah go’aansaday in uu aado Gobalka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo. Wuxuu maalmo  joogay  magaalada, magaalada Muqdishana   wuxuu uga  soo   tagey  inuu ka shaqeysto magaaladda Gaalkacyo, wuxuu magaaladda joogaba shaqao ayuu ka  bilaabay garaash uu kaga shaqeeynaayay qeybta Alxanka wuxuu joogaba magaalada waxaa timid gabadhii aheyd Samiiro, hooyadeed iyo walaaleheed markii ay garoonka ka soo dageen  waxaa soo dhaweeyey eheladeeda, waxaana dadka ka mid ahaa Muridi, wuxuuna arkay samiira oo ka soo dageysa diyaaradda samiiro waxay ahayd gabar aad u qurux badan, joog iyo jamaalna Ilaahay ku maneystay, isla markiiba  Muriidi waxaa galay jeceyl aan caadi ahayn waa la isa salaamay salaan kadib waxaa la gaaray markii laga bixi lahaa garoonka diyaaradaha ee Gaal kacyo, markii laga baxay garoonka oo la raacay babuurtii loogu tala galay dadkii imaanayey waxaa la tagay Hotelkii loo diyaariyey, Samiiro, Hooyadeed iyo walaalaheed.

-2-

macaan badan malabka shinida kana kana qaalisan Dahabka iyo Doolarka, Dirhamka, iyo Luulka iyo Dhaymanka salaan kadib: Abaayo aniga waan caafimaad qabaa intii ilaahay iigu talagalay adigana waxaan ilaah kaaga baryayaa in uu ku siiyo caafimaad iyo cimri dheeri iyo cibaado suuban’Gabadhii ayaa layaabtay sida cajaa’ibka badan naxariistuna ay ku jirto uu u salaamay Muridi, waxay ku tiri.‘Aboowe waxaan hawada kuu soo marinaayaa, inta aad igu salaantay oo kale’ Muridi ayaa yiri.‘Abaayo shimbir ayaa waxay kasoo duushay Ingiriiska, shimbirtii waxay timid Soomaaliya shimbirtii simbir ayaa jeclaaday, shimbirtii shimbir kii jeceylkiisa, iyadoo dareemin ayey laabatatay, waxayna u laabatay magaaladii ay ka timid’

  ‘Abaayo markii aad ka tagaysay magaaladda, aniga aad ayaan kuugu kurbooday, waxayna ila noqotay, aniga oo jooga iilka dhexdiisa, oo aysan cidna ila joogin markuu intaas yiri Muridi isagoo niyadiiso ay aad u naxsan tahay wadmihiisa ey aad u shaqeenayo’ ayey Samiiro ku tiri “Aboowe aniga sidaada oo kale ayaan ahaa, waana ku jeclaa, weliba waxaan ku jeclaaday, maalin tii aan kow ku arkay, laakiin jeceylkeyga ma aadan fahmin anigana waxaan ka xishooday, in aan kuu sheego jeceylka ihaayo markaana oo ah mid aan ka hadlikarin markaasna ah dumarnimo awgeed, hase ahaatee nasiib xumo waad fahmi weysay, laakiin waxaan aad uga xumahay, in aniga hadda aan ahay marwo, iyo naag la qabo, laakiin haddii aad horay iigu sheegi laheed, arrintaan farxada leh, waan kaa qaabili lahaa, ku gumana naceen Aqoon xumadda ku haysay markaas, Aqoontuna waa muhiim, mana jiro qof ka la soo baxay Caloosha Hooyadiis, ee wax labarto weeyaan aboowe laakiin aqoonta waxaa ka muhiimsan qalbi nadiif ah, run ahaantii qalbigaaga waa nadiif, aboowe macaane waxaan kaa codsanaa, oo aan kun iyo kow jeer kaa raali galinayaa qolkaan iftiinka ah oo aan kaaga dhigay mugdi, ee i cafi macaan badnoow. arrintii ayaa waxay u cuntawi weysay Muridi, taas oo ugu darneyd, muraayadii albigiisa, oo xogneyd, iftiinkina yareeysay, kana darnayd mida tan, oo ay saameeysay qalbigiisa, qarixii ka dhacay waxay ula mbid ahayd, muraayadii qalbiga oo laga soo tuuray daruuraha korkooda ku soo  dhacday dhulka kur kiisa firir iyo qarax aan la arki Karin, kaas oo qar saday qal bigiisa wuxuuna ku yiri isagoo qancinaayo jeceylkiisa,

-11-

meenaayo  ey na ka baxaa yaan ilin fara badan taas oo  labadiisa Daama oo u yeeshay jeex jeex, I lintaas oo ahayd  I lin morugo leh laakiin  xagiisa, waxaay ka aheed  mid uga macaan malabka shinida, ugana caraf badan catarka iyo miskiga, taas oo isaga uu ku qanacsan mar kaas, ka dib wuxuu bilaabay si da uu is ku iloow siin lahaah gabadha tan laakiin way u noqon waysay midaas nasiib wanaag wuxuu soo xasoostay erayo ahaa ‘Qof ka aad u jeceshahay si xad dhaaf ah waa loo dhin taa mooyee sida tan looga maharo, saacado ka dib wuxuu yimid magaaladda Xamar, wuxoo joogoba Xamar ayaa wuxuu xasuustay hadalkii uu ku waayay jaceylkiisa ayaa waxaa ku dhalatay fikir wanaagsan oo ah in uu wax barto, wax barasho aad u fiican mar kuu maal mo jooga magaaladda, ayaa waxaa u yeeray walaalkiis Maxamed yare si uu u barto.wax barasho fiican oo an facda isaga walaal kii ayaa soo qaatay maadooyin badan. Laamiin Muridi wuxuu qaatay maaddada kumbuyuutarka, wuxuuna ku latalin jiray in uu noqdo ardayga 1-aad oo loogu jecel yahay School, weyna u suurta gashay ta liska walaal kiis mida uu ku la talinjiray’ Wuxuu na u bartay sidii la rabay Kumbuyuutarka. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa dhacday in uu raadiyo Samiiro Ciwankeeda nasiib wanaag waxaa siiyey gabar ay ahaayeen Samiiro Saxiib, wuuna uga mahad ciliyay gabadhii. kadib waxaa dhac day maalin maalmaha ka mid, isa goo u diray warqad, si ay u wada sheekeystaan, warqadii waxaa aragtay Samiiro, weyna ka ogolaatay waxayna u soo dirtay warqad la mid ah warqadaas, waxaa la gaaray xilligii lawada ballamay. Isagoo qadka Interneetka isicmaalaayo, oo la sheekeysanaayo asxaabtiisa kala duwan, ayaa waxaa soo gashay qadka Samiiro, Muridi markaas wuu farxay, farxad aad u weyn, farxadaasoo gaarsiiyey in uu iloowo asxaabtii uu la sheekeysanaayey, isagoo markaas ka qadarinaayo, Jeceylkiisa qaaliga ah ee mudana kala maqnaayeen, waxayna tiri.   ‘Muridi ‘Aboowe macaane ma ii fiican tahay? wuxuuna ku yiri“Haa Abaayo waan fiicanahay”.Muridi ayaa ku salaamay markaas, salaan aan caadi aheyn, salaantaas oo ahayd sida tan.“Abaayo marka hore waan ku salaamay waxaan kugu salaamay salaan qiimo iyo qaayo badan salaan taasoo ka caraf badan miskiga salaan taasoo ka

-10-

Muriidi markaas dadka wuuu salaamayay laakiin maskaxdiisa wey maqneyd oo waxeyna ku maqneyd jeceylka ugubka ah ee ku soo saa’iiday, is la markiiba wuxuu bilaabay kaftan iyo xifaalo, sidoo kale iyadana way kaftan badneyd, waxaa lagaaray xilligii ay tagi lahaayeen dadkii Hoteelka ku jiray, laakiin asaga oo ka xun ayuu ka tagay Hoteelkii maalinataas dadka waa ay faraxsanaayeen asagana waxaa ka muuqday wajigiisa dhibaato jeceyl waxaa uu lamurugooday sida uu u sheegan lahaa jceylka ubadka ah ee ku soo darsay maalmahaan dambe Arrintaan farxadda leh wuxuu bilaabay in ay wada cabaan biyo aad

Umacaan jawigu markaas waa uu daganaa dabeesho way yareed hawadona aad ayeey u macaan badneed wuxuu yiri isagoo fiirinaayo uu na muujinaayo in uu abuuro kalgaceel iyo kalsooni ayuu yiri Samiirooy abaayo kawaran xagga iyo inta, ‘waxayna tiri walaal aniga waxaa ila wanagsan dhul keena Hooyo horaa waxaa loo yiri Dal shisheeyye ku joog dareen aniga waxaa ila haboon dhul keena Hooyo, ‘Muridi ayaa yiri taas been ma ahan abaayo waxaan ku way diinayaa in taad halkaas joogtay adiga wax jaceyl ah masameen miyaa, ‘Samiiro ayaa tiri waan sameeyay laakeen wali mahilin mid si dhab ah ii jecel aniga, ‘Muridi ayaa yiri isagoo taas la farxay quslaayana ayuu niyadda is kayiri u soo bandhig jaceyl kaaga laakiin nasiib darro waxaa yimid dad ka mid ah ehiladooda taas oo uu layaabay Muridi waxay joogaan waqti badan ayaa waxaa la’gaaray xiligii latagi lahaa Muridi markaas ayuu ar kay wiil ay saaxiibo ku noqdeen inta ay joogeen magaaladda gaalkacyo wiilkii ayaa waydiiyay waxa qabsaday baryahaan, ‘Muridi ayaa uga faalooday arimaha qabsaday baryahaan markii danbe ayaa  wuxuu yiri saxiib Muriidi qoftaada ma midaasbaa, ‘Muriidi ayaa yiri haa saxiib waa midaas aad hadda aragtay saxiib ka waran’ waaw  saxiib waan ladhacay dooqaaga waxaad moodaah adiga iyo ayidda in la is ku ku kiin talagalay saxiib qoftaan caadima ahan ee saaxiiboow waxaan ku go latalin lahaah aniga in aad u sheegto gabadha aad jeceshahay markaas Muriidi ayaa yiri saxiib aniga waxaan ku guda jiraa sidii aan u fahansiin lahaa jaceelka aan u qabo saxiib, saaxiibkiis wuxuu ahaa wiil lacag leh wiilkaas oo ay aad saaxiibo is

-3-

ku fiican a haayeen wuxuuna ka kaafin jiray wax allaale wuxuu doonayo Muridi, Muridi wuxuu ahaa wiil aan haysan wax dhaqaale ah wuxuuna markasta Muriidi is dhihi jiray Alloow yaa shaqo tan ka wanaagsan ku siiyo,  waxay imbadan sheekeeytsaanba Muridi iyo saaxiibkiis way soo kala tageen, waxaa isasoo raacay Muridi iyo gacalisadiisa Samiiro iyo ehelkooda waxay soo aadeen dhankaas iyo Hoteelkii, wixii la joogo magaaldii, ayaa waxaa bilaawday in ay dalxiis u aadaan magaaladda Garoowe iyo meela kale, go’aankaas waxaa soo jeediyey gabadhii Adeerkood, laakiin Muridi wuxuu ahaa qof wax jecel waxaana ku sii xoogeestay jeceylkii uu u qabay gacalisadiisa Samiira, waxayna Abaareen carigaa iyo magaaladii ay dalxiiska ugu socdeen ee ahayd magaaladda Garoowe balse Muridi ma raacin dadkii dalxiiska u socday, waxaa ku sii adkaatay sida uu ugu sheegan lahaa jeceyliisa balse waxaa ku sii xoogeysanaayey maalinba maalinta ka dembeeysa jeceylka uu u qabo gabadha uu Adduunka ugu jeclaa, ayuu isagoo murugayasan ku geeraaray ereyadaan.

Jaceel aayatiin leh baan

Abuuroo waad ogeydoo

Intaan udubkiisii mudaybaan

Ilaalshoo waan adkeeyoo

Abeydin sidii u dhowree

Markaan kulahaa ugaasooy

Ujeedo fogbaan lahaa

Afeefo dantaan lahaa

Amaanadan dhowr lahaa

Markuu u baxii isgaaray

Markuu intifaacsi joogo

Maxaa uur xumada keenay

Maxaa odayaal  xilsidey

Dagaal loogu oogayoo

Maxaa loo iima sheegoo

Waliba aflagaado keenay

Abaal daraey hadaad

Ujeedo xiinkaa uguuxday

-4-

·         Mudadaadu badanaa

·         Muuqaaqu dheeraa

·         Intaad igala maqan ahay

·         Maseexdoo habeenkii

·         Waan soo mir kacayaaa

·         Mugdiguna habeenaddan

·         la sii madoobaa

·         yaan madi ahaanine

·         marwadaan jeclaayeey

·         kala maarmi meynee

·         mar un nabad kusoo noqo.

intaas mar kii uu yiri, isagoo ka xun arrintaas qabsatay ayuu ka soo tagay wuxuuna yimid magaaladii, waxaa murugo la noqotay, arrintii uu islahaa Adeerkaa ayaa dhameen doona, oo ku noqotay hal bacaad lagu lisay isagoo yaaban ayuu yiri.                            

Cakuye jeceyl kuu galay ina Adeertaa

Calool xumo badanaa Marka aad istiraahdo u sheego jeceylkaaga

Caqabad badana

Calwo saad iyo calool xumo badanaa

Culees kiisu badanaa jaceyl

Caashaqa masida tanbaa 

Catowgiyo illin badanaa

Calwosaad iyo ciil badanaa

Ceynkaan maxaa ii qoray kaligay

Cimaamadii caashaqa maxaa ku doobay madaxeeyga

Calaacal keyga aloow ku xir Caashaqeeyga.

Markuu intaas ku calaacalay ayuu ayuu modo badan ku jiray dhib aan la u gaan Karin, oo ay ku noqotay arin taan mid uu layaabo mar waxuu soo xasuutaa Samiiro waa na uu ku farxaa mar kale waxuu fiiriyaa mida haysato wuuna la murugoodaa waxaa u noqon waysay in uu sii joogo magaaladda maal mo kadib ayuu go’aansaday in uu is ka ga tago magaaladda uu joogo markaas, uu na u laabto, magaaladdii Xamar, in ta uu ku soo jiray jidka mar waxaad moodaa in uu madaxa uu xanuu naayo sida uu yahay markaas uu na lafikirsan yahay marna waxaa indhihiisa la moodaa qof modo badan soo dhafarsanaan marna waxaad ka fahmi kartaa indhahiisa il

-9-

daadatay illin farxadeed marna ah illin murugo, taas ayey la yaabtay Samiiro, wuu ka soo tagay isagoo u fiirinaayo dhinac dhinac, iyaduna markaas waxay ahayd sidoo kale, Samiiro waxay cagta saartay jartii koowaad ee Diyaaradda waxee fiirineysay Muriidi ilaa ay ka gaar to jaran jartii u gu dan beeysay Diyaarada, waxyar kadib way istaagtay Samiiro, waxeey na soo fiirisay wiilkaan jeclaay ayadda, waxay taagnaataba jaran jartii,waxaa isaguna in  dhihiisa ka jeesan waayeen  Samiiro, ayaa waxa ka yimid gabadhii indhaheeda illin, kadib mar kuu arkay illintii ka soo daadaneeysay Samiiro ayuu ogaaday in ay si dhab ah u jeceshahay, i saga oo Niyada iska dhahaaya hadalkaan’ayaa wuxuu yiri.

"Maxaad mar hore ugu sheegan weysay jeceylkaaga gabadhii ayaa ahayd midda ugu dambeysay rikaabka raacaayo diyaaradda daqiiqado ka dib, waxaa garoonka cagaha ka qaaday diyaaradii ay saarnaayeen Samiiro iyo Ehelkeeda, isagoo sii fiirinaayo diyaaraddii inta ay ka mirqaysay wuxuuna ka soo tagay. Garonka diyaaradaha, uxuuna yiri 

·        

 

 

maalintaad baxaysee

·         magaaladda ka dhooftaan

·         muxubo ku jaleecoo

·         miirkaan lahaa iyo

·         maankii ku raacee

·         intaad igala maqan tahay

·         maseexdo habeenkii

·         waan soo miir kacayaa

·         meel aan dhoween baad

·         iiga muu qaneysaa

·         yaan madi ahaanine

·         marwadaan jeclaayey

·         kala maarmi meynee

·         mar uu nabad ku soo noqo

·         Magacaaga inantakaleh

·         Markii oogu yeeree

·         Maqlaan soo hinqanayaa

-8-

Ilowsha dhaweey nabsaa

Dhexdeenaan ka ooganoo

Ruux uunbey cuqubo raacdo

Iyo bedashadaydi

Buundada cayaartee

Beledweyn ku taalee

Biyo lulato guudkood

Bartankeeda maaheen

Nasiib anaag wiilkii wuxuu u sheegay gabar uu ku kalsoonaa wuxuuna ku yiri. “Walaaleey waxaan kaa doonayaa in aad ila taliso oo aad ii sheegto waxa aniga aan lahordi waayay waayo  waxaa horay loo yiri, wixii kaa maqan walaalkaa ayey ku jiraana, haddaba sidaas daraadeed waxaan kaa doonayaa in aad isiiso talo wanaagsan, gabadhii ayaa waxay i tiri.

“Ma waxaad ka hadlaysaa, gabadhii Adeerkaa dhalay Samiiro C/rashiid” markaas aniga waan naxay markii ay sidaa igu tiri gabadhii balse nasiib wanaag waxaan ku dhahay, Haa wa iyada midda kaliya aan ka hurdi waayey aana ka harsan waayay kuna qarwo habeenkii alle keeno, indhaheyga bal fiiri illinta ka muuqato iyo wajigayga sida uu is ku badalay baryo kooban walaalay macaaney beryahaan noloshayda dambe maalinba maalnta ka dambeeyso wey ka sii daraysaa, ee maxaad tala ah ee aad iigula talinaysaa.

‘Gabadhii ayaa u dul qaadan weysay, murugada ka muuqato wijiga Muridi mar waxay fiirisay wajigiisa, marna waxay fiirisaa meelkale, ‘arrintii ayaan u dul qaadan waayey, waxaana ku iri walaaley mad i siisid ra’yi aan jeceylkeyga ku heli karo haddaan murugeysannahaye adigana muruga kale ha’iigo darine midaas Gabadhii waxay igu tiri’ ‘Aboowe macaan waxaan ku gola talin lahaa aniga nafta halmar ayey go’daa ku gu mana fiirsan karo murugadaan faraha badan ee maalin iyo habeen duhur iyo casir cisho iyo saqdhexe kugu sii badanayso Aboowe macaane waxaan ku dhihi lahaa u sheego jeceylkaaga niyadana qeyr u sheeg’ ‘aniga waan ku farxay ra’yigii ay isiisay gabadha walaashay ah ee aan ku kalsoonaa waana ogaa in ay isiin doonto talo wanaagsan, markii uu

-5-

ka soo tagay ka dib ayuu go’aan saday in uu u sheegto jeceylkiisa isagoo geesi nimo ka helay gabadha walaashiis ahayd  ayuu tiriyaay erayadaan

Qalinka aan wax ku qoraayo waa xididadda jirkeyga

Qadana  waa dhiigeeyga

Warqadona waa qalbigeyga

Bashqaddo na waa beerkeeyga

Barta ay ku taalo xabagta

allow Gaarsii hamiga aan uqabo

Ubax soo baxdaan la’eego lamoodaay

      Indhaheeda sixirka ah quruxda intey ka Qabaan allow ku xir jaceelkeeyga tufaax lamoodaan

Mr kuu yiri in taas ayuu u diray taleefoon Adeerkiis asagoo is leh arrintaan aad ku wareertay kana jiifan weyday kana harsan weysay u sheeg Adeerkaa iyada ayaa dhamaandoontee, ‘Adeer iyo wiilkii ayaa isa salaamay waxay salaantii socotaba wiilkii ayaa Adeerkii ayaa yiri,

“ Muridi Adeer  ma guursan miyaa adiga”?

‘Muridi ayaa yiri adeer aniga wali maguursan, ‘adeer kii ayaa yiri maxaa kugu dhacay aad laguursan waysay’ ‘wiil kii oo farxad marna naxasan ayaayiri Adeer aniga waxaan jeclaaday gabadhaada waxaana u jecelahay xad dhaaf, ‘Adeer kii ayaa ku yiri Adeer anigaa imaan doono mardhow, ‘Muriidi waa uu farxay sidii  Qof helay Dahab ama Dhayman kadib na  wuxuu ku yiri Adeerkii waan ku sugayaa, ‘Adeerkii ayaa yiri waayahay wiilkeeygiyoow’ ‘wuxuu sugo Adeerkiis ayaa waxaa dhacay in adeerkii uu ka yimaado (Yurubta) wuxuuna  ku yimid si kadis ah is lamarkiina Muriidi waxuu bilaabay in uu soo dhaweeyo Adeerkiis waxaa la’guda galay in  loo sameeyo khado sharaf logu talagalay Adeerkii ayaa dareemi la’a waxa haaya wiilka iyo daawadisa waxa ay tahay toona. in ay tahay gabadha uudhalay Adeerka. Adeerkii ayaa yiri maxaa Adeer  ku haya  oo  ilama fiiyoowide  maxaase  aan kuu qabtaa  taas  oo  uula

jeedo adeerka  in  si dhab  ah u helo  waxa wiilka uu  la ciirciirayo 

-6-

waayo Adeer ku wuxuu ahaa nin indheer  garad  ah  oo aad u yaqaano dhanka   ogaashada qofka. haddaba ayada oo loo soo  bandhigay wiilki  mas’alo  aad  u culus  waxaa danta ku kaliftay inuu caddeeyo  xannuunka haayo. Waqti yar kaddib wuxuu  maqlay shanqarta tuu nolasha u hibeeyay ayado markaas aysan dareemi karin xaaladda adag uu ku jiro markaas. Adeerki is lamarki waxaa fahmay waxaa ku soo dhacday marki ay ku wadda hadlayeen Taleefoon ka ayagoo kala jooga Soomaalia iyo Yurubta adeerki ayaa gudagalay in uu waydiiyo Aqoonta wiilka in ta ay la egtahay taas uu ulajeedo gabadheeydo waxayleedahay Aqoon wanaagsan taas ayaa ku noqatay wiilki caqabad adag wuxuuna ku yiri aniga hadda aqoon aan kuula’hor imaado magaranaayo laakiin Aqoontu waa shey labarankaro hadii la is ku dayo haseyeeshee madaaweynin Adeerku jawaabtaas uu bixiyay wiilka wuxuu ku yiri majeclaan laheed in aad guursato walaashaa?

waxaa mucjiso ku noqotay wiilkii bandhigga Adeerkiis u bandhigay arin taas hasa ahaatee asagoo dhoola caddeeynayo ayuu u gu jawaabay haa Adeer, Adeerkii ayaa yiri anigo masiinaayo gabadeeydo nin aan Aqoon laheen. Waxaa caqabad horleh ku noqotay asaga  arintaas

waayo wuxuu ahaa nin aan tacliin tiisa dhameysanin sidaas darteed ma uu san soo hor dhigikarin Adeerka Hortiisa Aqoon tiisa, waayo ma uusan dhameysanin Dugsiga Dhexe. taasina waa mida keentay in uu ku heli waayay gabadha u jeclaa. Lana harsan waayey. taasoo ku abuurtay walwal iyo walbahaar. muddo ka dib waxaa tageen Samiiro iyo Hoyadeed. Walaalaheed. iyo Aabaheed, waxaa la isku shubay halkaa iyo Eleboorka, nasiib daro markii ay soo baxaysay ma aysan is arkin jeceylkiisa, Muridi wuxuu soo aaday dhankaa iyo Eleboorkii, mar wax yar la joogo ayaa soo cagadhigatay Diyaaradii. Daalo Airline. waxaa bilaabatay in la macsalaameeyo Dadka tagaayo waxaa na soo sagootiyey Muridi wuxuu soo macsalaameeyey. Gabadga aabaheed. iyo Hooyadeed. iyo walaalaheed wuxuu kaloo soo gaaray gabadha uu jecelaa. markii uu macsalaameeyay ayeey sifiicanna u macsalaameeysay waliba in tii uu isaga macsalaamenayey in la mid ah, Muridi waxaa ka soo

-7-

 

John Smith

 

DHUMISAYE JACEYLKEE HA II DHOOLO CADEYN 

 

 

Xooluhuna  dhigaalkiyo               Dhayda ay la dararaan

Dhalintuna ciyaartiyo                        Caways la isku dhaafsado

Dhunkashadii macaaneyd    Soo dhoweynta caashaqa

Sida loogu dhaygago                   Yaan kuu dhowrayaa weli

Dhexda I qabo xabiibi

Intaas markii ay ay mareyso ayuu isna jawaab uga dhigay:

Dhabihii jaceylka                               Anagoo dhex joogaad

Ka dhaqaaqday beri hore                Ma aragtaa dhibaatada

Dhadhankiisu sun yahay                  Macaaniyo dhanaaniyo

Kee lagu dhoweeyaa                        Dheemankiyo luul

Ma lagu helaa dhaqaalaha   Dhawaqeygu wuxuu yahay

Anoo dhowr la haaban                     Ina dhaxalsiisay hooggaan

Adna ima dhoweysane                     Waad iga dhaqaaqdee

Hadda aan dhigee aar                      Dhumisaye jaceylkii

Ha ii dhoola caddeyn                        Midkii kuu dhignaa iyo

Dhalintaada raadso

DHAMMAAD

W/Q: Axmed Abuukar Sheekh Cali

MAHADNAQ

Max’ed Max’ud Waasuge (Madoobe)

Axmed Max’ed Cumar (Waaw)

Liibaan Muuse Max’ed (Abooto)

C/kariin Cumar Xunshe (Niiniile)

Axmed Sh. Cali Sh. Muuse (Rossi)

Max’ed Muuse Cumar (Abtidoon)

Cilmi Axmed Cali (Babaay)

C/raxmaan Abuukar Sh. Cali (Kuuku)

Max’ed Calas Daanyare (M. deeq)

-12-


Aadan Waa wiil dhallinyaro ah, waxa uuna la nool yahay hooyadiisa iyo labo la dhalatay. Aabbihiis mar hore yuu geeriyooday, waxa uuna hooyadiisa ku ahaa yaraan. Aadan ma jirin wax shaqo ah oo uu hayay, waxa uuna xiiseyn jiray ciyaaraha kubbadda Cagta. Aadan isagoo ka yimid Ciyaar ka dhaceysay Stadium Muqdisho, galabtaas aad ayuu u faraxsanaa, waayo kooxdii uu taageerayey ayaa la hoyatay guushii. Lama  qiyaasi karin xaaladda uu dhex maquuraneyey. Durbadiiba waxa uu yimid xaafadda, waxa uuna la kulmay Cali iyo Ilyaas; oo ah saaxiibadiis. Markuu u hambalyeeyay, iyaguna wey u hambalyeeyeen, kaddibna waxa ay u sheegeen in ay xaafadda deggan tahay gabar kibirrey ah oo indhaha kuu kala ged-geddineysa markii aad la hadasho. Aadan ayaa ku yiri, “Kibirrey aniga hala i tuso, waxaan idiin bari doonaa inaysan ahayn sida aad moodaane..” Wiilashii ayaa mar qura isla qoslay, iyagoo la yaaban Aadan sida uu isul weyn yahay, waxa ayna ku dhaheen,” Waa lagu tusi doonaa haddii aad wax ka qaban karto, mase u malaynayno inaad ka guul gaarto sababtoo ah salaan iska dhaafee haddii aad fiiriso xaggeeda waxaad kala kulmaysaa ereyo xun-xun sida: ciyaala suuq, haash-gad, hooyo canjeero i sii, waxyahow xunka ah, wax isu tar adiga iyo erayo kale oo la moodo inay iskool kaga soo baxday, loomana adkeysan karo erayada ka soo yeeraya afkeeda”.

Aadan oo la moodo inay dhimatay hooyadiisa carada ka muuqata, ayaa ku yiri “Iska daaya wax ay i dhihi lahayde, ii geeya inta aysan dhicin qorraxdu..” Wiilashii ayaa ku yiri “Waayahaye bal ina keen”, waxaana la isla beegsaday gurigii Ismahaan. Intii waddada lagu sii jiray, waxaa la is dhaafsaday kaftan aan la isugu aabo yeelin, ugu dambeyntiina wiilashii ayaa Aadan ku yiri “Aadanow haddii ay gabadhu salaanta kaa qaado sharad ayaan dhiibaynaa ee haddii ay ku xumeyso maxaa kaa diyaar ah?” Aadan hadalkii ayuu dafay, waxa uuna yiri, “Xumaan iyo salaan intaba iska daayee, idinkoo u jeeda ayaan garabka qabsanayaa|, markaasay isla dhaheen “Goormee?” “Socodkaanba haddii aad i tustiin” ayuu ku yiri. Iyagoo la yaaban faanka ka baxaya ayaa la gaaray halkii loo socday, waxa ayna ku yiraahdeen, “Waa kaa guriga ee bal wax inaga tus faankaaga” iyagoo kaga haray meel xoogaa ka durugsan guriga, waxa ay ahayd goor qorraxdu godka sii gashay, dadkuna waxa ay wada sugaayeen Bil Ramadaan. Aadan marka uu u soo dhowaaday Ismahaan ayuu “Abshir.. Abshir.. waa bishaan sugeynay ee sooma Ramadaanka” la soo booday, intaas markii ay dhagaheeda ku dhaceen si hal-haleel ah ayay u soo booday Ismahaan, garbasaarkeediina soo illowday, markaasey agta ka soo istaagtay Aadan, kuna tiri “Alla aaway Bisha Aboowe? I tus” inta uu

-1-

u soo dhowaaday garabkana ku soo dhagay ayuu farta ugu fiiqay meel eber ah kuna yiri “Waa taas...” “Wax uma jeedo” ayey tiri.. “Haddii aadan ujeedin, aniga ayaa arka ee berrito ha isku cunin”, waana uu ka tegay, waxaana ay indhaha qac ku siisay wiilashii oo qos-qoslaya, markaasay dareentay in uu qiyaanay wiilka. Halkii laga rabay inay xanaaqdo, qosol ayey dhoola caddeysay, waxa ayna gashay gurigeeda. Sida ay u sii socotay maba hakane, waxay isku tuurtay sariirta. Ismahaan waxaa ku billowday habeenkaas damac, waayo sida ay u qaan gaartay wiil lama hadlin. Waa markii ugu horreysay oo ay dareentay rabitaan. Waxa ay gad-gaddoontaba waqtigii ayaa is guray. Goor ay tahay hal saac ayey soo qabsatay raadiye agteeda yaalay, waxayna saaratay Idaacadaha FM-ka idaacad ka mid ah, waxayna ka dhageysatay in dad badan loo dhaariyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, waxayna isu diyaarisay inay sameyso saxuurtii reerka.

Haddii aan u weecdo dhanka Aadan iyo wiilashii, waxa sharadkii lagu yeeshay Cali iyo Ilyaas, waxa ayna u mahad celiyeen Aadan. Hadal iyo dhammantiis, iyadoo la kala joogo in muddo ah ayaa waxaa kulmay Aadan iyo Ismahaan, maalintaas guriga Ismahaan saaxiibteed Istar ayaa la isku arkay, waxaana la is dhaaf-dhaafsaday sheeko seddax geesood ah. Wixii la kaftamaba waxaa xusuus gocatay Ismahaan oo tiri “Sow ma tihid yarkii I qayaanay iguna ceebeystay wiilashii ciyaala suuqiinta ahaa?” Intay Istar xaggeeda u jeesatay ayey ku tiri “Ka warran inta bil been ah ii tilmaamay ayuu garabka iga qabsaday mujtamaca dhexdooda?” Istar inta ay qososhay ayey ku tiri “Maxaa ka macno ah, waa qanjir maxay kaa qaadi karaan.. hadda is barta oo wada sheekeysta”, waana ay isaga dhex baxday, waxaana isku soo haray Ismahaan iyo Aadan, waxaana dhex martay sheeko xiiso gelisay, waxaana hadalkii qaatay Aadan oo yiri “Ismahaan iga raalli ahow, haddii aan kuu  gefay, aniga waxaan uga dan lahaa inaan ku barto waana ku bartay, haddana waxaan rabaa inaan kula qeybsado nolosha qiimaha badan” Ismahaan aad ayey ugu riyaaqday hadaladaas waxayna tiri “Waayahay, waan ku soo dhoweynayaa haddii aadan I qiyaami doonin..” Aadan ayaa yiri “ma qiyaani doono.. » waxa  uuna tiriyay tixdan:

Ismahaan walaaley                Arladaan ku noolahay

Adoo kale kumaan arag        Inanyahay samaan iyo

Asluub loo dhameeyaay       Anshax aad u wacan iyo

Qurux lagu amaanay             Ifka maad  ku noolayd

Allow yaa ku guursada         Aqal weyn ku geystoo

Abwaaniinta kuu waco          Alalaaska heesaha

Aayar kuu garaacoo Afadiisa noqotaa

 

 – 2 –

wiil fiican, haystana lacag adiguna waxaad rabtaa wiilasha aan shaqeysan in aad canjeelada kala sugto waalidkooda, ma taqaanid waxa kuu dan ah, waxaana kuu roon inaad yeesho warkeyga, haddii aad isku daydo inaad diido ogow ma jirto cid kula tashaneysa, waana lagugu darayaa wiilka kuu doonan, bood ama dhac..” Inta ay doodayeen ayaa waxaa yimid aabbaheed isagoo dareemay qaylada ka jirta guriga, wuxuuna yiri “Waa maxay qaylada ?” hooyo Canab ayaa tiri “Ma ogiye bal wax u sheeg gabadhaan baas oo aad adigu dhashay’’ Markaasuu yiri, “Ismahaan kaalay aabbo, maxaa kugu dhacay, sow qof weyn maahid ?” Markaasey ku tiri “Aabbo ma adigaa I dhiibay anigoon waxba ka ogeyn?” Oday Cali oo ah Ismahaan aabbaheed ayaa muujiyey xanaaq kuna yiri gabadhiisa “Naa aamus! Ma adigaan kaala tashan lahaa?, waxaa la yiri ‘Gabari god ha kaaga jirto ama guri rageed’, haddana waxaan kuu diyaariyay gurigii aad iigaga jiri lahayd, mana rabo inaad ka keento wax dood ah, haddii aad ka keentana halcadka ayaan ku bixinayaa”, waxa uuna galay qolkiisa, Ismahaana waxaa ku habsaday wel-wel iyo walaahow aan cidi ku walaacsameyn, arrinkii ayaana ku sii cuslaaday, fikirna waa uu ku ballaartay. Iyadoo yaaban si ay yeeshana garan la’ ayaa waxaa u timid saaxiibteed Istar, waxa ayna u sheegtay in lagu dirqinaayo nin aysan rabin waxa ayna tiri “Saaxiibay Istar ma aqaano halka la iga habaaray, aabahayna waxa uu igu yiri, ‘waxaan kugu darayaa wiil, haddaad diidana qoorta ayaan kaa goynayaa’ ee saaxiibay ila tali, ma tahriibaa inta laygu dari lahaa nin aanan aqoon dabeecadiisa?” Istar ayaa tiri “Ismahaanay waxaad raadisaa Aadan, una sheegtaa arrintan, waxaan maqlay inuu dibadda aadi rabo mar dhow..” Ismahaan ayaa tiri “Aadan waa iga xanaaqsan yahay balse hadda ayaan iska tuug-tuugayaa haddii uu iga yeelo waan ku jarayaa cidda, waana waddada kaliya ee ii furan, haddii uu igu diidana waan iska tahriibayaa baddaba aan ku dhinto intaan la jiifan lahaa nin aan Aadan ahayn..” Istar waa iska baxday iyadoo ku dhaheysa “Sidaas ayaan isku ognahay..” ismahaanna waxay soo raadisay Aadan, waxaa ayna indhaheedu qabteen Aadan oo ku labbisan labiskii uu dibada ugu ambabixi lahaa, wuxuuna ku qornaa maalintaas diyaaraddii u qaadi lahayd Itoobiya, markaasay ku soo boodday, waxayna ku tiri “Aadan aboowe sow ma fiicnid..” markaasuu yiri  “haa, waxaan filayaa inaad iigu timid macsalaamays, ma waxaad maqashay bixitaankeyga..” markaasay damacday inay dareensiiso jaceylka dhabta ah waxa ayna ku tiri:

Sida dhool gu’oo da’ay                    Dhirtuna laama bixisoo

Xareeduna dhabaha taal                  Sida looga dhaansado

Yaan kuu dhowrayaa weli                Dhexda I qabo xabiibi

– 11 –

niyaddiisu u beddelantay ama ku abuurmay wax ay Soomaalidu u taqaan buufiska,  waxna kama oga xaaladda Ismahaan ay ku sugan tahay oo waxaa u muuqda inuu ku noolaan doono nolol fiican, markii uu shaqeystana uu dalban doono gabar  midda ugu fiican ..” aad ayuuna ugu faraxsanaa in uu ka mid noqdo dadka qurba joogga ah, hooyadiina waxa ay kula dar-daarantaa had iyo jeeraale inuu noqdo mid wax isku tara, noqdana mid aan doorin diintiisa, waayo waxa uu ahaa yaraankeeda, waxa ayna la jecleyd inuu ku noolaado farxad, waxa ayna ku dadaali jirtay inta barbaarineysay dhaqan celintiisa, dar-daarankeedana waxaa ka mid ahaa:

Wiilkaygii macaayow                                     Waan kula dar-daarmayaa

Waalidkaagii baan ahay                    Waano iyo digniiniyo

Waxa aan ku leeyahay                      Wehelkaaga yuu noqon

Waaruf aanan haysan                       Diintii wacnayd iyo

Wardigii Ilaahay                                 Waan kuu duceeyee

Weligaa ha moogaan                                    Waddankaaga hooyo oo

Waardiyahaaga adkeey                    Culimadeena waaweyn

Wan ayaan u qalayaa                        Yaasiin iyo wasaafaad

Wel-wel tire kuu dalbayaa                Walbahaari mayside

Weligaa nabad ku noolow

Aadan hooyadiis waxba uma yareysan, si fiican ayayna ula dar-daarantay wiilkeeda. Dhanka kale waxaa dhacday in Ismahaan loo doonay wiil uu dhalay oday ay saaxiibo ahaayeen aabbaheed, waxaana loo sheegay inay doonan tahay balse waxa ay la ahayd been mana ku qanacsaneyn in lagu daro nin aysan iyadu waxba ka ogeyn amaba aysan shukaansan, haddana waxaa ay ku han weyneyd inay ku calaacasho Aadan, noqotana marwadiisa, waxaana go’aan lagu gaaray in la gudo galo qaban qaabadii arooskeeda, waxaana howshii lagu wareejiyey hooyadeed.. maalintii dambe ayaa lagu daray habaryarteed si ay uga soo adeegaan suuqa. Ismahan hooyadeed ayaa ku tiri “Ismahaan hooyo is raaca adiga iyo habaryartaa oo suuqa ka soo adeega soona iibso waxaad u baahan tahay dahab, dhar iyo shobinkaaga..” “Oo waa maxay waxa aan u baahanahay.. hooyo ii sheeg maxaad damacsan tihiin?” Hooyo Canab ayaa tiri “Sow ma ogid in mar dhow lagu guursan doono,  nikaaxa iyo guuriskana laga dhigi doono hal mar, haddaba soo iibso waxa aad jeceshahay?” Ismahaan ayaa xanaaqday furkana tuuratay kuna tiri hooyadeed “Nin ayaa lagugu darayaa aa!.. ma jirto wax aan soo iibsanayo, mana rabo nin aan anigu la heshiin hana la ii daayo dooqeyga..” markaasey hooyadii tiri “Naa ma rabo is walaaqidaada aabbahaa ayaana ku dhiibay, waxaana lagu siiyay.

– 10 –

Oogadood ku faaftee           Ila fiiri aayaha

Intaas markii uu tiriyay ayuu yiri “Ma ahan runtii ammaantaada mid la soo koobi karo..” Ismahaan ayaa is celin kari wayday, iyadoo la moodo inuu haayo jaceyl muddo ku raagay, indhahana hoos u godeysa, candhuuftana liqi la’ waxa ayna jawaab uga dhigtay erayadan:

Aadanow sidoo kale             Anba waad i gaartaye

Eebadii jaceylkoo                 Oodin baan dareemaa                     

Adigaa igu beeraye               ii tali walaalow                                  

Aqal aayatiinliyo                    Aan u taagno udubkii                      

Asturaayay caashaqa            Anna waxaan ilmeeyaa                    

Haddii aan ku waayo Ifka kaan ka doortow                       

Inaan kuu ahaado                 Ooridaada mooyee              

Sina kuma adkeystee           Adaan kuu ahay amaano

Intaas markii ay dhameysay ayaa lagu ballamay habeenka xiga, waxaana la isku dhaafay ‘ballanta adkee iyo waa tahay’.

Aadan waxa uu aaday xaafadiisa, isagoo la moodo inuu helay adduunyo ku filan cimrigiisa inta ka dhiman, qofkii uu raba inuu magacaabana waxa uu ugu yeeraa magaca ku cusub qalbigiisa. Dhanka kalena Ismahaan kama yareysane waxa ay hamineysay hammi aan la qiyaasi karin, qalbigana waxaa xad dhaaf ku noqday jaceyl.. la ogaan doonee halka u dambeyn doonta labadan ruux.

Waxaa la soo gaaray xilligii ballanta lalahaa. Qof waliba waxa uu gudo galay sida uu isugu diyaarin lahaa ballanta qiimaha ka leh agtooda. Ismahaan ayaa soo istaagtay illinka gurigooda. Markii ay taagnayd xoogaa daqiiqado ah, ayaa waxaa soo hor istaagay Aadankii ay sugeysay. Markii ay sii qooraansatay waaba isagii oo qoslaya. Mar qura ayaa la isku soo booday oo la isa salaamay salaan xiiso leh, waxa ayna ku tiri, ‘Bes iga dheh.. amaanta ayaad iga badisay ee yaanan ku dhicin darbiyada, haddii aan is cajabiyo dadku waa ila yaabayaan”. Aadan ayaa ku yiri “Ma adigaa ku dhacaya mise aniga?.. abaayo haddii ruux noqonayo dhibane waxaan u malaynayaa inuu ahaan doono aniga, waayo waqtiba waqtiga ka dambeeya waxaan dareemaa in uu igu sii ordaayo jaceyl, jirkeyga oo dhanna waxaa isku yaaciyey jahwareer, amakaag, calaacal, anfariir, yaab iyo laab-lakac, daawadeyduna waa adiga”.

– 3 –

Aadan inta uu waday hadaladaas, Ismahaan hoos ayey eegaysay qalbigana iska lahayd, “Aadan aad ayuu kuu jecel yahay, waxaana ku abuurantay kalsoni fiican”, waxayna ku tiri Abboowe “Inta aan dunnida ku noolahay uma riyaaqi doono ruux aan adiga ahayn, weligeyna ma arag sida ay kuu mudatay nafteyda qof ay u mudatay”. Habeenkaas wixii la isla doodaba, waxaa la isku gaaray xilli dambe, waxaana lagu heshiiyay in arrimaha si toos ah la isula meel dhigi doono waqtiyada soo socdo. Akhristow ha ahaado jaceylku wax jiro balse waxaa kaweyn calafka, wixii aan kuu qornayna ma arkaysid.. tallaabta aad qaadeyso waxaa fiican inay xag Alle ka qornaato, haddii aysan kaaga qornayna ma is hordhigi kartid.

Aadan iyo Ismahaan waxa ay ku ballameen waqti kale in la is arko, iyagoo kala qaatay mid waliba taleefan lambarkiisa, waana la kala hoyaaday, waxa ayna noqdeen labo ruux oo mar waliba iska war haya, kulankooda waxa uu noqday is daba joog, hase ahaatee kulankoodu waxa uu u badnaa khadka. Iyadoo farxaddoodu sii kordhayso ayaa Aadan reerkiisa u taxaabeen xabsi isagoo lagu soo eedeeyay caasi waalidnimo. Ismahaan ayaa waysay gacaliyaheedii aragti iyo taleefan intaba, waxaa laga dareemayay maalmahaas murugo soo wajahday farxad iyo fir-fircoonideedii, dadkuna waxa ay iswaydiinayeen “Maxaa ku dhacay gabadhan.. waa taan sii dhamaanaysee? Malaha waa ulakac”. Mar ay wax weydiisay gabar u ah deris waxa ay ku tiri “Ismahaanay maxaa kugu dhacay, waa adigaan dhamaadoo baaba’aye, gibilkaaguse waa qayirmaye, dadkuse waxa ay afka ku hayaan hadal hayntaada?” Ismahaan oo ka xanaaqday hadallada gabadha aadna u dhibsaneysa ayaa ku tiri “Naa igala tag wararka aad ka soo qaaday naagana xun-xun oo war xumo tashiilka badan” Gabadhii inta xishootay indhahana ka mirig-mirig siisay ceeb darteed iyadoon macsalaama dhihin ayey ilinka ka baxday, Ismahaanna waxa ay agta ka fariisatay taleefankii ay kala socon jirtay xiriirkii kala dhexeeyay Aadan oo ay maalmahaanba la’ayd, waxayna moodaysay taleefankii soo dhaca Aadankeedii. Markii ay fiiriso shaashadda maba ahan. Inta kor u qaado ayey dhigtaa si uusan u noqon biisi.. Ismahaan waxa ay noqotay ruux murugada iyo fikirka u ah joogto. Allow yaa u sheega in uu xiran yahay wiilka ay sida xun uga wal-waleyso iyadoo fadhigeeda ku hurdeysa ayey tirisay tixdan:-

Hawo sare dusheedaa

Qalbigu dul heehaaboo

Haatufka soo dhacayaan

Halowda ku hayaa

Hammigayga waxaa ku jira

                                                      - 4 -


anigu leeyahay”, Aadan oo ogaaday inay dan leedahay ayaa yiri, “Iska daa labadeena cidda qaldane, ka hadal danahaaga.. waxa ayna ku tiri “Waxaan rabaa inaan arrinteenii dib u soo celino ee bal wax igala qabo, kana raalli ahow wixii dhib ah ee aan kuu geystay..” Aadan ayaa hadalkii qaatay wuxuuna yiri “Ismahaan waa jirtay mar aan wax kula qaban karay mise ahan maanta waxa uuna u raaciyey erayadan:

Anigoon meher gaarin                     Mataantaan lahaa iyo

Midigteyda jiifan                               Maseyr been ah gaartee

Maxaan kuu sameeyaa                     Aniguna maaweeliyo

Maslaxaddii aan waday                    Maya ayaad ka keentee

Miyaad jiir naxaysay                          Maskaxda waxaan ku haayaa

Murankaad I gelisoo                                     Maantaan ka reystee

Muraadkaaga raadsoo                     Magaceyga ii dhaaf

Intaas markii uu yiri ayuu u raaciyey “Isla weynidii shalay maxay maanta wax kuugu qaban waysay, waan aqaan ruux dheregsan sida uu u dhereg dhacsado ee na kala daa..” iyadoo ilmeyneysa ayuu ka dhaqaaqay, waxa uuna beegsaday halka uu ku socday, Ismahaan lama kulmin wax naxariis ah, waxaana ku habsaday culeys, sida ruux sida wax ka tan badan ayey ka ruruqaansatay halkii lagu cidleeyay, waxa ayna iska soo aaday gurigeedii, iyadoo dadku ay u arkayeen markii la fiiriyo hadaladeeda buudyiga ah inay tahay qof lagu laban yahay, waayo waxa la arkayey haddiiba la su’aalo kama aysan bixinayn jawaab sax ah, waxa ayna la hadal haysay niyadeeda, waxa ayna ku calaacashay:

Shiddo waa tanoo kale                     Shallaay waa dambeysaa

Shib waxaa igu siiyay                                    Igu shiday hur aan damin

Inankaan la showroo                                    Sheekadiisii aan rabay

Ku magaciisa shabbahoo                 Aroos loo sharxaayaan

Uga shakiyey inuu yahay                  Anigaa shirqoolmee

Shib miyaan iraahdaa                       Mise waan shiraacdaa

Sheeddaan dul meeraa                    Yaan u sheeganaayaa

Shaahidkii na uuntow                       Kurbo feyde ii sheeg

Aamiin.. aamiin.. allaylehe inay duco ku soo gabagabeysay calaacalkeeda ayuu marayaa arrinku. Marba marka ka sii dambeysa xaaladdeeda caafimaad hoos ayey u sii dhacaysay. Waxaa arrintaas walaac ka muujiyay reerkeeda, waayo ma garanayn halka laga asiibay gabadhooda, waxaa daraasaad ku sameysay hooyadeed si ay wax uga ogaato balse uma suurto gelin dhan waliba oo ay ka eegto.

Dhanka kale Aadan waxaa loo sheegay inuu dhowaan u ambabixi doono dalka Itoobiya, isagoo ku sii joogi doono si ku meel gaar ah, ilaa inta uu ka heli doono leen Yurub ah. Waa uu ka calool duubtay, waxa ayna

- 9 -

lagama yaabo inuu kugu ceebeysto dadka dhexdooda..” iyadoo aan la hadlin isaga ayey isaga soo gudubtay halkii ay ku socotay  oo ahayd gurigii Istar. Markii ay timid waxa ay la kulantay Istar hooyadeed, waxayna u sheegtay inay Istar jirto suuqa soona dhowdahay.. Ismahaan waa iska fadhiisatay. Markii ay fadhiday in muddo ah ayaa waxaa u soo gashay saaxiibteed Istar. Si hal-haleel ah ayaa la isugu soo booday, waana la isa shumiyey, waxaa ka dhacday salaan la moodo in kala maqnaa sanado. Salaan kaddib waxaa la galay kaftan “Naa Goormaad xalwada na siineysaa?” Istar oo dhoolo caddeyneysaa tiri, “Ismahaaney waxaanba moodayey in adiga iyo Aadan ay arrintiinu qariib tahaye, maxaa idinku dhacay,  waa idinka xalwada na siin la’ee?” Ismahaan ayaa tiri “Qariib-qariibow xaal qaado, goormaa laga tegay warkaas..” ma waxaad ogtahay ayaad indhaha ka qabsaneysaa?” Istar oo fahmi la’ erayada Ismahaan ayaa tiri “Naa waa maxay waxa aan indhaha ka qabsanayo ii caddee warkaaga?” Ismahaan waxa ay tiri “’Saaxiib sadar muuqdo su’aal ka dhan’ ayaa horay loo yiri.. ma waxaad isaga kay dhigeysa qof moog arrinta Aadan sida uu iigu xadgudbay, sow ma ogid inuu guursaday naag weliba arooskiisa looga tahniyadeeyay idaacadaha, dhagahaygana aan ku maqlay oo aan lahayn dad ayaa ii sheegay..” Istar ayaa ogaatay wiilkii Aadan samiga la aha inay u qaadatay inuu yahay gacaliyaheeda..” inta ay qososhay ayey ku tiri “Yaan lagula yaabin ma ahan isaga wiilka aroosay ee waa wiil ay sami ka yihiin seddaxda magac, waana ka qaldan tahay in aad ku wayso jaceylkaaga wax aadan hubsan..” Ismahaan ayaa wareertay oo garan waysay halka looga yimid, waxa ayna tiri “Istarey, haddii ay runtaa tahay waa ka qaldanaa Aadan, mana garanayo si aan wax yeelo..’ Istar ayaa tiri “Raadi oo ka raali geli haddii aad rabto inaad heshiisiin wiilka aad ku kahdoontay, markii uu aroosayey waxa uu ku jiray xabsi, waxa uuna xirnaa hal sano iyo dhowr bilood..” Ismahaan ayaa tiri “Waa ii sheegay balse kama aqbalin shaydaan ayaa iga adkaaday oo waan ku gacan sayray balse hadda waxa aan ku qasbanahay inaan dib u soo nooleeyo jaceylkii aan u geystay dhibka, haddana waan sii baxay ee nabadey..” waana la soo kala tegay. Iyadoo aan la qiyaasi karin  murugada, walaaca iyo diifta ka muuqata Ismahaan, ma aadin gurigeeda ee waxa ay baadi goob ugu dhaqaaqday dhankii uu jiray Aadan, nasiib wanaag waxa ay la kulantay Aadan oo ku sii socda gurigiisa, waxa ayna ku tiri “Aadan sow nabad maahan..” Aadan ayaa yiri ‘haa.. aad ayaan u fiicanahay, waana mahad haddii aan kaa helay salaan..” Ismahaan oo ku faraxday Aadan sida uu uga qaaday salaanta qabowga oo ay moodaysay  inuu weli naxariis u hayo, waxa ayna ku tiri “Aadanow waxaan soo ogaaday dambigii aan kuu yeelayey inaadan lahayn, qaladkana aan

                                                  - 8 -


Hadalna ii diida

Caashaqii cilmi haligay iyo

Qays ayaan hilib wadaagnaa

Holac ayaa igu shidan oo

Ma arkee humaaggiisa

Inankii aan ka helay

Allow keen hareerteyda

Intaasi markii ay mareyso, ayey indhaha wac kala siisay oo waxa ay dareentay inay hurudday, niyaddana ka walaacsan tahay. Ismahaan waxa ay murgootaba waxa ay damacday inay is madadaaliso, waxa ayna soo diyaarsatay raadiyo khaas u ahaa iyada oo ay kala socon jirtay barnaamijyo ay xiiseyn jirtay, waana ay shidatay. Waxay isku madadaalisaba, habeen habeennada ka mid ah ayaa waxaa  u soo galay tahniyado aroos, markii ay sii dhaga-dhageysayba waxaa dhagaheeda ku soo dhacay wiil seddax magac kala ah sami gacaliyaheeda oo ay isku xaafadna ku nool yihiin kuna aqal galay isla xaafaddiisa. Iyadoo looga tahniyadeynayo idaacadii ay dhageysaneysay waxay is tustay inuu guursaday gabar kale, iyadana uu ka aag beddeshay, awalna uu been la jilaayey. Ismahaan si aad ah ayay uga carootay, waxayna damacday inay ka samirto, dejisana qalbigeeda. Intaas oo dhan Aadan waxba kama ogayne, waxa uu dhex jiifay xabsi. Sanad iyo lix bilood kaddib ayaa la soo daayay isagoo la moodo nin hantiile ah caddaanta iyo cayilkana u eg xaaji, dadkuna waxa ay ku dhahayeen “Xaggeed ka nimceysatay ninyahow waa adigaan sii bararaye?” isaguna erayadaas maba u lahayn dhago oo waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu isu hortaagi lahaa gacalisadiisa uu in muddo ah la’aa akhbaarteeda iyo qof uu ka wareysto halkii ay ku dambeysay. Aadan ma aadin gurigiisa ee waxa uu ku hormaray xaggaa iyo gacalisadiisa. Nasiib wanaag waxa uu la kulmay Ismahaan oo ka timid suuqa rabtana inay diyaariso qado, waxa ayna sii gaaraysay illinka guriga, isaga oo faraxsan, naxdinna ku dheehan tahay ayuu yiri “Gacaliso ii warran, haddii la i xiray ma I soo booqaneysid miyaa? Mise fiican tahay xaaladdaada?” inta qosol la gariirtay ayey tiri, ‘waan ogahay in lagu xiray, laguuguna xiray xabsiga Heeg, kaddib markii laguugu soo eedeeyay inaad gabar ka xadday qalbiga asaagaa ah” markaasuu yiri “Iga daa kaftanka iyo qiiq isku qariska’ inta hadalkii qaadatay ayey tiri “Waa maxay qiiq isku qariska.. ma anigaad iigu timid daac-daacsi, waan ogahay inaad guursatay, iguna siri maysid ‘waa la i xiray’, haddii lagu dayriyay miyaad igu soo laabatay, mise waa dharag dhacsi, ma ogi anigee ninyahow magaceyga ii daa, mar horaad aroostaye”, markaasuu dareemay in wax rabitaan ah aan loo hayn, niyaddana iska yiri “Waatan aroos aroos ku haysee malaha iyadaa la aroosay”,                        - 5 -

waxa uuna soo xusuustay maah-maahdii ahayd (Nin weyn tag lama yiraahdee wuxuu ku tagaa la tusaa), markaasuu yiri, “Gacaliso iga daa ciyaartee ma adigaa aroosay, mise waxaad illowday jaceylkii ina dhex yiil, bal muraadkaaga ii caddee?” Markaasay ku tiri “Waa cadyahay warkuye, aan kala qalleyno, waxba iima haysid anna kuuma hayo, hana kugu ekaato midda kuu joogta guriga..” isagoo naxsan lana yaaban meesha laga asiibay ayuu tiriyay erayadan:

Ma helin jaceylkii                              Muddo aan dhisaynoo

Muraadkii aan lahaa iyo                   Makaankii aan sugaynee

Mar haddaad I waysay                      Maqnaansho igu tilmaantay

Ma aadin iilkii                                                Meel dheer ma joogine

Macduur baan ahaayoo                    Mugdi baan dhex jiifay

Maamadii i dhashaa                          Xabsi igu masruuftay

Anigoonan muteysan                        Caasi la igu matalayoo

Madaxa la iga xiiray                          Maxkamad la ii taxaabay

Ma i deyrineysa xabiibi                    Mise waad i soo dhoweynoo

Farxadi ma jireysaa ?

Intaas markii uu yiri ayey burqatay oo tiri :

Mushkiloy adduunyoy                      Maxaad maanka aadmiga

Mala’awaalo u gelisaa                      Masiiboy adduunyoy

Middaan malagu soo qaban                        Een maxfuudka lagu qorin

Miyuu kaa maqnaadaa                      Waxaa marag ma doontaa

Anna igu maqaalaa                            Nin marwo leh inaad tahay

Madaxa xiirtayaaba                           Is mar-maroojisaaba

Midigteyda ha taaban                       Ma kuu haayo jaceylee

Meel kaleeto u doono

Ismahaan iyadoo gacanta sii wal-walaaqeysa ayey iska gashay gurigeeda, Aadanna isagoo gacan ku dareen ah ayuu isaga soo luuday gurigiisa, waxaana ku habsatay murugo uusan arag inta uu ku noolaa dunnida dusheeda. Intii uu waddada ku sii jiray waxa uu ku calaacalayey erayadan:

Dhab ahaan jaceyl baa                     I dhalan rogay anoo yar

Dhibkiisaan tabaayaa                        Dheeftii aan cunaayiyo

Dhuunigaan ka go’oo                       Dhiiggu waa I daataa

Dhilqe aan arkayn baa                      Dhacaankeyga fuuqsada

Dhaqsi uma gam’aayo                       Inantaan dhalaalkiyo

Dhabannada ka eegtaa                    Dhimbilahaan I gelisee

Anna dhaawaceygii                           U bandhigay sidaan ahay

Dhag jalaq ma siinine                       Waa dhool caddeysaa

                                                  - 6 -


Dhab markaan u qaatay                    Waa dheel tiraahdaa

Ukuntaan dhowr iraahdana             Dhagaxay ku tuurtaa

Dhabtii aan firaashana                     Saxaray ku dhoobta

Dharkaan daahirsado bay                Ku walaaqdaa dhiiqadee

Dhaqaale maan ka sugayaa

Inta uu calaacalayey kama uusan leexaneyn wixii waddada kaga hor yimaada. Waxa uu dhagxaha darbeeyaba waxa uu yimid gurigiisii uu in muddo ah ka xirnaa. Reerkiisa xiiso ayey u qabeen balse isaga waxa uu ku jiray xaalad murugo  leh, waxa uuna noqday maqane jooge.

Maalmo kadib reerkiisa ayaa u arkay inuu xanuunsaday, waxaana loo waday dhakhtar si wax looga ogaado caafimaadkiisa, balse meel kastoo la geeyayba waxaa u soo baxday (Negative) , ma qof uu hayo jaceyl aan lala hayn ayaa la daaweyn karaa, in Ilaahay ka tir-tiro qalbigiisa mooyaane ? Allow yaa u sheega reerkiisa inuu gabar uu jeclaa ay la sii daysay hammigii uu ka lahaa !!! si kastaba ha ahaatee hooyadii ayaa ogaatay inuusan jirraneyn, waxa hayana uu jaceyl yahay, waxa ayna damacday inay u qal-qaaliso dibadda, si uu wax isugu taro, waxa ayna la hadashay walaasheed oo ku nooleyd Ingiriiska, waana loo ballan qaaday in loo bixiyo wiilka, waxaana la gudo galay sidii loogu diyaarin lahaa dibad-baxiisa.

Dhanka kale Ismahaan iyadu waxaa ay ahayd ruux dal doorsaday mar hore oo waxa ay isu moodaa in laga qaldanaa iskana gaartay, waxa ayna  go’aan ku gaartay inaysan isu dhiibin nin dambe ama ay la wadaagto sheeko jaceyl. Waxa ay noqotay qof guri-joog ah oo aan la sheekeysan dhalinta. Waxa ay noqotay ruux aan farxad badnayn, raggana waxa ay la xiratay col, inkastoo ay gocanaysay xusuustii Aadan iyadoo u aragta inuu u geystay qalbigeeda dhaawac xun, dambiilana uu ka yahay agteeda, haddana ma jecleyn in Aadan wax laga sheego, waayo jaceylkii hore ayaa damqanaya, mararka qaar waxa ay isku waanisaa ‘Haddii uu guursaday naag kale isna uu kuu yimid maxaad ugu carab laalaadin wayday oo maxaad ugu dayrisay, haddiise uu guur kuugu soo qaado cudur daar ugu yeeli waysay, sow lagama yaabeen inuu furo naagta, sidaasna aad isku hanataan ?..Maya.. maya.. adigoo la ah saaxiib sow kaama tagin?” Ismahaan iyada iyo nafteeda ayaa dagaalama, qaltan iyo waxaa ku dhashay xisaabaad, waxa ay iska walaacdaba waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah inay soo aaddo xaafaddii Istar oo ahayd meeshii uu jaceylkooda ka hana qaaday. Inta ay waddada ku sii jirtay ayaa waxaa indhaheedu qabteen Aadan oo la socda dhalinyaro, waxa ay damacday inay salaanto, haddana niyadda ayaa siin kari wayday xishood dartiis, waxaa niyadda ka gashay wiilkii aad xumaysay haddii aad wacdo sow

 

- 7 -

 

qasaayeto@msn.com
qasaayeto
Website:
www.johnsmith.freeservers.com


ALLOW HAWIYE WAAGAR LEEYAHAY GUULEEY

  1. GABAYGAN waxaa tirieyey abwaan xasan garaad warsame waxa uu uga hadlayaa go`aan ka taariiqiga ah oo ay qaateen halgama yaasha soomaaliyeed oo markii gadowgu ku magacaabay argagixiso la baxay magac siyaasadeed ay cagawga kula dagaalamayaan maadaama wadani yaashi soomaaliyeed lagu magacaabay al qaacida xaqna ay u leeyihiin in ay dal kooda difaacaan ayey la bexeen magaca hawiye oo aan ahayn maanta mid qabiil laakiin ah mid maanta laysaga celinayo magacyadda xun ee reer galbeed ku ku macaabo islaamka laguna gumaado hadaba abwaan ku waxuu ugu magac daray[ gabayan ] Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Sidii good nimuu laacay oo micida gaarsiiyay Oo gibin dhacyeeyoo idhaha galac ka siinaaya Gedgedoomayeey meel miyeey gocatay laabteydu Inuu go`i rabaan moodayaa gabal jirkeygaaye Qaniinyadaan is giijiyay ilkaha gowsahay jabaye Gumaad kuu cadaawuhu wodoo shacabka loogeystay Garneylkiyo shilkaha maatadaa lagu garaacaayo Gaboodkiyo gumeysiga socdiyo gaalka kibirkiisa Waa guni waxay haa tiraa gobise diidaaye Geesiyada gantaalada watoo gumaca seyraaya Oo sharafta nadi gubatay iyo magaci goobaaya Waxkastoon ku guubaabin karo wow gudbinayaaye Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye Soomaaliyu markey kala go`dee gabalba meel aaday Dhalyo kalama geysee markuu guufku kala qaaday Ooy is garabsan waayeen ayuu gaaday cadawgiiye Waa kaa hunguribaa ka galay goboladeeniiye Waa kaa guryaha duminayoo guutayaal diraye Waa kaa guntiga dhuuqsadoo ganafka tuuraahe Gacan bira ku qabo buu lahaa gebiba soomaale Gedkastuu asagu damacsanaa waa la gaasiraye Gumac iyo ragbaa kala hortegay gana risaaseede Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye Inkastoo dadbadan naga go`oo gododka looqaaday Ama geesiyaal naga dhinteen guushu waa imane Go`aankaa hawiye waa midey garatay soomaale Waa midey ku garabtaagantahay gebi ahaanteede Waa mid gobanimadi hoos gashoo geedi looyahaye Waa mid galaya taariikhahoon laga ganbooheyne Waa mid calanka loogaga gurmaday ciifihii galaye Gob kacdoontay soomali waa garab istaagtaaye Geesiyaal naf huray baa xoriyad goob ku heyn karaye Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye Dowladdaan gumeystuhu watoo guudka kore saartay Dowladdaan dalkii lagu gatee laga dul goodaayo Waa mid uu kumeel gaar si yiri gaal dhulkaan rabaye In ay gacanta cadaw ugu jirtaan idin garwaaqsiine Nin gedood ku maqan oo casmara garabshay mooyaane Golayaashi waa laga la.yahay ruux garaad wacane Genku nimuu xanuunoo lawaa gaartay qiiraduye Nin gumaadka diidoo lawaa hadal gareedlaahe Waa rag galowga qori laga gelshoo guri ku hoosnoole Waa rag gudaha jeel uga jiroon gees cadceed arage Waxba yaanan geyliga socidiyo go`a ka sheekeyne Gobta dirirtay soomaaliyey garabka aan siino Gaal iyo nin raacaba ilaah guushi lama siine Adduunyada gargaar kuma leh oo garanti weeyaane Aakhirana gandoob naar ah baa laga dhexgeeyaaye Gabbal dhacey u tahay maalintey god u huleelaane Islaamkana galado bey u tahay labada geesoode Gaarimaayo meeshuu jeclaa gaal na weeraraye Ama geeri ama guul xoriyad gaartabaan heliye Goolad dheer anoon marin haddaan hadalka soo gaabsho Guurtida hawiye baa metela galabta soomaale SHIRIB LA SOCDA GABAGAYGA SEDEED WALXAAD OO GOYNKU TAAL IN AAN GARWAAQNO WAA GUMOW Gaasaskii gumeysi doon ahaay in aan garwaaqno waa gumow Kitaabka gube gaala raac in aan garwaaqno waa gumow Islaan gumaadka reer galbeed in aan garwaaqno waa gumow Gantaal tigree gargaarku sheeg in aan garwaaqno waa gumow Gacmaha taagoo gowracyeel in aan garwaaqno waa gumow Go`aanki geysh itoobiyoon gudoon ku raacno waa gumow Gobaanehee gabood falkaan in aan garwaaqno waa gumow Dekeda goobka gaaladaa in aan garwaaqno waa gumow KANA SIB KANA SAAR Waxaa curiyay cabdulaahi suldaan timacade Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo Soomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay Rabbigayow naga saamax Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo Sibyaanta iyo haweenku Calankay Saadinayeenow Cidina kaanay na Siine Saatir noogu yaboohayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar San-ku-neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen Mid saaxiib la ahayne Sangalkii iska diidayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo Saraayaa dami weydey Kii laydhiisu na saaqdayow Kii sadqeeyey qabaa'ile Isu saaray gacmaa ee Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar                                                                                    

                                                                                          qasaayeto@msn.com

Gabay: Xiin Finiin
-----------------------------------------------------
Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen sayid maxamed baa doonay Faadumo Islaan Aadan oo la dhalatay islaan Faarax Aadan oo madaxda degmada Mudug . ka mid ahaa.Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey,xurmo iyo xididtinimo wanaagsanna waa muujiyey.Hase yeeshee,dhugi geel dhaantay,dhex socotana dhul dhaantaye,hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyey Xididtinnimadaas Sayid Maxamed wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan farax iyo dadkiisa uga helo si uu jahaadku u xoogooba.Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuuna buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku Yidhi
Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqonedabadeed,Islaan faarx wuxuu Sayidkii weydiistey faraskii Xiin Finiin sayidkuna aad buu u jeclaa,hase ahatee, sidii loo yiri,dhegtaa kaa war dheer ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna,isagoo xil iska reebaya faraskana xarragadiisa u dhammeeyey ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray kadibna markii gabaygaan soo socda qaybsiiyey waxuu yidhi:-

Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
Markaad Xiin Finiin damacday baa,n kaa xanuunsadaye
Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiilaba adaan, xaaydda kaa rogaye
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye
Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa Gammaan, xulashadiisiye
Xubna-toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
Xayskaa da'aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode
Xujey-reebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin
Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane
Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise
Wuxuun bay xushleeyan sidii,xabashi Iidoore
Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane
Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan,xinif awoodaaye
Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye
Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay
Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene